Tuesday, July 7, 2015

Qorshaha 5-ta sanno ee Horumarinta Somaliland oo gebagebo ku dhow iyo Xaddiga Lacagta ilaa immika lagu bixiyey Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Hargeysa, 07 July, 2015 (Himilo)- Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay raadinayso qorshayaal cusub oo lagu horumariyo dhaqaalaheeda, xilli uu gebagebo ku dhow yahay qorshe horumarineed shan sannadood 2012 ilaa 2016.
Warbixin lagu baahiyey The Africareport, ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ka warwareegayso inay inay taageerto dhaqaalaha Somaliland ugu baahan tahay qorshahooda shanta sannadood oo qiyaas gaadhaysa $980 Milyan laga filayey dibedda.
Qorshaha horumarineed shanta sannadood ee Somaliland u diyaarisay sannadkii 2012 ilaa 2016 oo ku baxaysay dhaqaale gaadhaya $1.2 Bilyan ayaa loogu talogalay in lagu horumariyo dhinacyada dhaqaalaha, kaabayaasha, is-maamulka, arrimaha bulshada iyo deegaanka.
Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay dhaqaale gaadhaya $175 milyan oo miisaaniyadeedka ah u gaar yeeshay inay ku horumariso dhaqaalaha, isla markaa qorshaha shanta sannadood ayaa dariiq u jeexay horumar ka baxsan beeraha in la gaadho.
Inkastoo beesha caalamku aanay weli ka bixin wax weyn dhaqaalaha Somaliland ka filaysay inay ku biiriyaan qorshaha shanta sannadood kharashka laga filayey ayaa ilaa wakhtigan la sheegay in dhaqaale gaadhaya $487 milyan ilaa wakhtigan Somaliland ku bixisay horumarka dhinaca kaabayaasha dalka.
Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda qorsheynta Somaliland oo aanu isku daynay inaanu dhinacooda wax ka weydiinno geeddi-socodka hirgelinta mashruuca heer Qaran ee Horumarinta Somaliland, ayaan noo suurta-gelin inaanu helno, kaddib markii uu naga qaban waayey telefonkiisa gacanta oo aanu kala xidhiidhnay.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment