Hargeysa (Himilo) July 6, 2015-Waxa Magaalada Hargeysa Laga Daahfuray Shirkad Cusub Oo La Yidhaahdo ADNOC oo soo saartaa Saliidaha Baabuurta, Shirkadan oo ka mida shirkadaha ugu waawayn dalka Sucuudiga, Ayaa Markii ugu horaysa si rasmiya Somaliland looga aasaasay waxaana ka wakiila qaybta Somaliland Shirkada Almis General Trading Co.
Xaflada Furitaan shirkadan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumada,Hogaanka sare ee xisbiga talada haya iyo ganacsato kala duwan,Furitaan Munaasibada Ayaa Ugu Horayn waxaa ka hadlay mulkiilaha shirkada Almis Kana wakiil Ah Shirkada Cusub ee la daahfurayay ee ADNOC.
“Shirkadani waxaa ay soo saartaa saliido tayo leh tusaale ahaan gaadhiga Batrolka ah waxaa uu ku shaqaynayaa saddex kun oo kilo lix bilood,gaadhigaa wixii ku dhacana shirkada ayaa damaanad qaadaysa Lixdaa Bilood”Ayuu Yidhi Mulkiilada Shirkada Almis General Trading Cabdo Cali Cabdala.
Waxaa isna Munaasibadan hadalo Mahadcelin iyo dhiirigalin ah ka jeediyay Wasiirka Ganacsiga Somaliland “Runtii Waa shirkad aad loogu farxo, shirkada soo saartay saliid gaadhigaagu ku soconayo lix bilood, run ahaantii intaas waxa dheer in lixdaa bilood la damaanad qaaday wixii gaadhiga ku yimaado runtii waa wax aad loogu farxo.Dhalinyaradan iyo masuuliyiinta shirkada Almis oo iyadu ka masuul ah shirkadan iyana aad ayaan ugu mahad-naqayaa, dee waxaanu idin leenahay waanu idiinka mahad-naqaynaa waxa hore noo wareeriyay gaadhi markaasba la odhanaayo halaga badalo saliida imika in badan waynu ka raysan doonaa ayaan filayaa, waanan soo dhawaynayaa shirkada Cusub Ee ADNOC”. Ayuu Yidhi Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim
Geesta kale waxaa isna munaasibadan hadalo waaayo aragnimo kasoo jeediyay Oday Yuusuf Kirix “Nolashu sideedaba waa halgan, markaan Somaliland soo qaadano intii aan innagu taariikhda garanayno halgankii ugu adkaa waxa uu ahaa kii SNMta, nimankii wagaa dadka xoreeyayna halkan waa fadhiyaan badhkood”.Ayuu Yidhi Oday Yuusuf Kirix.
Gabagabadii waxaa munaasibadan soo afmeeray gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna dhinaciisa soo dhaweeyay shirkadan cusub ee dalka laga hirgaliyay “Alle Horta waxaan uga rajaynaynaa in ay noqoto shirkad dadka oo dhan anfacda waxaan u rajaynaynaa in ay noqdaan shirkadaha dalka ka jira oo kale Sida Maansoor, Dahabshiil iyo Dallo Oo kale”Ayuu yidhi Muse Biixi Cabdi.
Masuuliyiinta iyo dadwaynaha kasoo qayb galay xaflada furitaanka shirkadan ayaa si isku mida usoo dhaweeyay Hirgalinta shirkadan dalka keentay saliida tayada leh ee baabuurta.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment