Sunday, July 12, 2015
Xukuumada Oo Cadaysay Inaanay Ka Bixin Heshiiskii Asxaabta Qaranka.
“Waxaan Cadaynayaa Inaanu Jirin Shir Qarameed Sharcigu Jideeyay Oo Dalkan Laga Qaban Karaa” Wasiir Warancade.
Hargeysa 12 July 2015 (Himilo)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed (Warancade) ayaa maanta ka hadlay heshiiskii asxaabta qaranka iyo xukuumada wada galeen dabayaqadii bishii May ee ahaa in doorashada la qabto December 2016.
Wasiir arimaha gudaha Cali warancade waxaa uu cadeeyay inaanay xukuumadu ka bixin heshiiskaas balse loo baahanyahay in lagu qanciyo golaha guurtida si looga dhigo heshiis lagu dhaqmo, isla markaana doorasho dalka uga dhacdo sanadka 2016ka.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay in xukuumadu aanay ka bixin heshiiskaas “Waxaad la socotaan heshiiskaa inay ku heshiiyeen saddexda xisbi qaranka iyo dawlada oo goobjoog ka ah, habkii loo qaban lahaa iyo sidii la iskula eegi lahaa wakhtiga doorashadu dhacayso oo shir balaadhan laga galay, kadib markii ay ku dhawaaqeen guddida doorashooyinka qaranku inaanay suurtagal ahayn farsamo ahaan awgeed in doorashada ay ku qabsoonto wakhtigii loogu talo galay oo ahaa 26june 2015ka oo imika aynu soo dhaafnay maalmo”Ayuu yidhi Cali Warancade.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataana waxaa uu yidhi “Waxaa lagama maarmaan noqotay in guurtidu cusboonaysiiso , mudo xileedka madaxwaynaha iyo ku xigeenka, si loo helo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor oo xalaala, arintaasi markii ay dhacday waxaa ka soo baxay hadalo asxaabta mucaaridka ka yimid oo ku saabsan wakhtiga dambe ee doorashada la qabanayo, halkaa waxaa ka unkamay shir la iskugu yeedho oo lagu qanciyo axsaabta qaranka si looga wada hadlo wakhtiga dambe ee doorashada la qabanayo, waala wada hadlay waxaa soo baxay heshiis.”.
Wasiir Cali Warancade waxaa uu sheegay in xisbiyadu saxeexeen mudo kordhinta golaha guurtida balse ilaa iyo hada la iswaydiinayo sababta ay uga baxeen heshiiskaas ay gudoomiyayaashu saxeexeen “ heshiiskaas xisbiyadu wada saxeexdeen qodobkiisa koowaad waxaa uu dhigayaa in la ixtiraamo go’aankii golaha guurtida ee mudo kordhinta mudo xileedka madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaa saxeexay saddexda gudoomiye xisbi oo ku heshiiyay inuu qodobkaasi yahay dastuuri, waxaa saxeexay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ,Gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Ciro)”Ayuu Yidhi Wasiir Arimaha Gudaha Somaliland.
Wasiirku waxaa uu intaasi raaciyey “ waxaa warbaahinta lagu arkayay maalmihii u danbeeyay in xisbiyada mucaaridku saluug ka muujiyeen heshiis la wada galay oo aanu u aragno inay jabiyeen heshiis ay wada galeen saddexda xisbi qaran, waxaa ay yidhaahdeen 27july ma aqoonsanin heshiisyadii ay wada galeen asxaabtu, doorashadu inay 2016 dhacdo ayaa la isla qaatay, habkii loo sharciyay lahaa madaama heshiiskaasi ahaa xal siyaasadeed”.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku sheegay inaanay xukuumadu ka bixin heshiiskii Asxaabta qaranka, isagoo sheegay in been abuur laga sameeyay xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo “Waxaanu leenahay waxba kama jiraan wararka sheegaya in dawladu ka baxday heshiiskii ay la gashay asxaabta qaranka, horena waanu u cadaynay in dawladu diyaar u tahay oo arinkaasi aanu ahayn mid laga noqday, laakiin farsamadiisii iyo sidii guurtida la is kula garan lahaa uu socdo”Ayuu yidhi Cali Warancade.
Gabagabii Waxaa uu wasiirku xisbiyada mucaaridka uga digay inaanay qaban karin shir qaranka lagaga tashanayo oo ay hore iclaamiyeen xisbiyada mucaaridku,isagoo ugu baaqay in xukuumada ay gogol u fidinayso ilaa xal laga gaadhayo wakhtiga la qabanayo doorashada Madaxtooyada iyo wakiilada.
Himilo media
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment