Tuesday, October 21, 2014

Cali Khaliif Oo Addis Ababa Looga Yeedhay iyo Arrimaha La Filayo In Lagala Hadlo

Addis Ababa:Oct,21,2014(Himilo)-Siyaasiga Gobolada Bariga somaliland ka abaabulaya Colaadda ee Cali Khaliif Galaydh, ayaa looga Yeedhay Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, waxana ujeeddadaa Yeedhmada kasoo baxaya warar kala duwan.

digoCali Khaliif, ayaa waxa loosoo diray Diyaar khaas ah taas oo kasoo qaaday Magaalada Buuhoodle, waxana sii raacay Xubno kamid ah Kooxda uu Gadhwaadeenka uu yahay ee Khaatumo oo haatan la socda.

Cali Khaliif iyo Kooxda la socota ayaa la filayaa inay kulamo la yeelan doonaan Madaxda Ethiopia, waxana lagala hadli doonaa Colaadda ay Kooxdaasi ka wadda Bariga somaliland oo ay xasilooni darro geliyeen.

Ethiopia oo iyadu xuduud la leh Goobaha ay Cali Khaliif iyo Kooxdiisu fadhisimada ka dhigteen, isla-markaana weerarrada kasoo qaadaan, ayaa si hoose ula socota xaaladooda, waxana haatan la filayaa in lagala hadli doono Dhaqdhaqaaqyada nabadda ka dhanka ah ee ay halkaas ka wadaan oo aanay Ethiopia Qudheedu ku faraxsanayn.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa ka hor intii aanu Toddobaadkii hore u dhoofin dhinaca London, waxa uu sii maray Magaalada Addis abab, waxana uu Madaxdii uu la Kulmay kala Hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen Dhaqdhaqaaqyada Kooxda Cali Khaliif ka waddo Bariga somaliland iyo xuduudda somaliland iyo Ethiopia ay wadaan.

Himilo Media

 

 

 

No comments:

Post a Comment