
“Shirkaanu ka qayb galay wuxuu ahaa mid loo qabtay sidii Somaliland loo maalgashan lahaa.Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad loo yimid, Shir aad loogu guulaystay buu ahaa oo Dawladda Ingiriiska iyo cidii kale ee timid ba ay aad iyo aad uga soo qayb galeen.markaas Shirkaasi shir aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay kuna soo guulaysanay Illaahayna aynu ka rajaynayno Inaynu faa'iidadiisa iyo midhihiisa wax ka aragno ayuu ahaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu u taagan yahay Jagada Madaxweyne ee 2015-ka islamarkaana waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu tanaasulay.
“Markaan tagay waxaa la faafiyay inaanan Doorashada dambe isku soo taagaynin, wax Allaale wax ka jiraa ma jiro waanan u taagnahay Doorashada, labadayda jeer ee Sharicigu ii Ogolyahay waan dhamaysanayaa, waxayna la mid tahay Dacaayadaasi ta dadka Caafimaadkayga wax ka sheegaa faafiyaan. wax Alle iyo waxaan qabaa ma jiro,dalkayga iyo dadkaygana waan u shaqaynayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Wararkan ayaa soo baxay intii Madaxweyne Siilaanyo ku maqnaa Ingiriiska oo uu kaga qayb galay Shirkii ganacsiga Somaliland,iyadoo dadweynuhu si weyn u hadal hayay islamarkaana shaki badan laga muujiyay musharaxa dhabta ah ee Kulmiye.
Dhawaaqan maanta kasoo baxay madaxweyne Silaanyo, ayaa waxa uu meesha ka saaraya wararkii warbaahinta kusoo baxayey ee sheegayey inuu Doorasho dambe oo uu galo ka doorbidayo muddo-kordhin, waxase uu si rasmi ah mar labaad u shaaciyey inuu sida sharcigubu u ogol yahay u taagan Doorashada Soo Socota, waxana uu ku adkaystay in caafimaadkiisu uu taam yahay, isla-markaana uu shacabkiisa Kalsooni badan ku qabo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment