Saturday, October 18, 2014

Saddex Waddo Oo Maanta Golaha Deegaanka Hargeysa u Magac Bixiyey

Hargeysa:Oct,18,2014(Himilo)-Xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa Maanta cod ku ansixiyey Magacyo saddex ah oo loo bixiyey waddooyn mara Badhtamaha Caasimadda.

fadheeFadhigii Maanta ee Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa waxa Wadooyinkaas ku tilmaameen shakhsiyaad Magac ku lahaa Somaliland, kuwaas oo lagu tiriyo dadkii tiirarka u ahaa qaranimada somaliland.

Saddexda Waddo ayaa Kala ah Waddada Biriishka Xabaalaha dhinaca Waqooyiga Hargeysa oo Suldaan Barre Loo Bixiyey, Waddada istaantka Djibouti ka Baxda Oo Loo Bixiyey Qadiimi, Waddada Masalaha Tagta oo Loo Bixiyey Mujaahid Yaasiin.

Waddooyinkan ayaa ahaa qaar aan hore Magacyo rasmi ah u lahayn, waxana Haatan wixii kadambeeya loo aqoonsan doonaa Magacyada maanta loo Bixiyey.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment