Badhasaabka gobolka Awdal oo ammaanay Wax-qabadka Hay’adda
Boorama, 21 Oct, 2014 (Himilo)- Hay’adda World Vision oo ka mid ah hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala, ayaa kulan ballaadhan oo shalay lagu qabtay magaalada Borama ku soo bandhitay wax-qabadkyada Mashaariicda sannadkii tagay ka fulisay gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Baki iyo Lughaya.

Hay’adda World Vision, ayaa mashaariic kala duwan ka qabata gobollada dalka, waxaanay mashaariicdaasi isugu jiraan kuwa deg-degga ah iyo mashaariicda horumarineed ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Beeraha. Waxa kale oo hay’addu kulankaas ku soo bandhigtay qorsheyaasha wax-qabad ee hay’addu ka fulin doonto degmooyinka gobolka Awdal sannadka cusub.
Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo furitaankii kulanka ka hadlay, ayaa hay’adda World Vision ku majeertay wax-qabadkeeda, waxaanu yidhi, “Hay’addu waxay inoo soo bandhigay mashaariic horumarineed oo muddo dheer soconaya. Innagana wa innagu waajib ah inaynu soo dhawayno oo la shaqayno. Hay’addu waa hay’adaha faro-ku-tiriska ah ee gobolka Awdal Immika jooga.World Vision way inooga duwan tahay hay’adaha kale, waayo gobolka ay ka shaqaynayso ee ay salka ku haysaa waa gobolkeena Awdal.”
Guddoomiyaha Degmada Baki oo halkaas ka hadlay, ayaa war-bixiyey wax-qabadyada iyo mashariic horumarineed oo hay’addu ka fuliso degmada. “Hay’adda World Vision waa hay’ad nala nool oo nala shaqaysa oo aanu annaguna meesha ugu tagnay markii nala doortay, waana hay’addii ka soo jawaabtay baaqii abaartii ee gobolka ka dhacday. Wax-qabadyada ay labada degmada ka qabto, boqolkiiba Afartan waxay ka qabataa Baki, boqolkiiba 60-na waxay ka qabataa Lughaya. Degmadayada mashaariicda ay ka qabatay waxa ka mid ah, markii u horeysay waxay bilowday xuquuqda carruurta iyo dugsiyada ku-meel-gaadhka ah ee deg-degga ah iyo caafimaadka. Xagga waxbarashada waxay mushahar siisaa 24 macalin,” sidaa waxa yidhi Maayarka degmada Baki oo ka hadlyey mashaariicda hay’addu ka fuliso iyo wada-shaqaynta ay leeyihiin.
Masuul ku hadlayey magaca hay’adda World Vision oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda ay ka fuliyaan degmooyinka gobolka Awdal. “World Vision Taariikh-sannadeedka ay isticmaasho wuxuu ka bilaabmaa 1-da Oktoober sannad walba wuxuuna ku egyahay sannadka kale 31-ka September, sidaasay 12-ka bilood ku dhan yihiin. Maadaama sannadkii dhammaaday Kulanka waxaanu ku soo bandhigaynay wixii aanu qabannay sannadkii hore hadday waxbarashada tahay, hadday biyaha tahay iyo hadday caafimaadka tahayba,” ayuu yidhi Masuulkani.
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment