Shilka ayaa yimid kadib markii diyaaraddiisa khaaska ahayd ay ku dhacday mid kamid ah qalabyada yaalla garoonka diyaaraddaha, gaar ahaan mid kamid ah Baabuurta barafka xaadha oo xadiid ka samaysan.Waxaa la geeriyooday saddex kamid ah shaqaalaha diyaaradda oo ay ku jiraan kabtanada, iyadoo halkaasna uu ku naf waayey ninkii Madaxda ka ahaa Shirkadda Total ee laga Leeyahay Dalka Faransiisku.
Baadhitaano la xidhiidha shilka ayaa bilowday, waxaana uu dhacay shilka habeenimadii isniinta xilli uu kusii jeeday magaalada Paris.
Shirkadda Shidaalka Total oo laga leeyahay Faransiiska ayaa kamid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee iibiya shidaalka, waxaana ay ka howlgasha inka badan 50-wadan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment