Monday, October 20, 2014

Ingiriiska Oo Xayiray Dhaqdhaqaaqyada Muwaadin Reer Qatan ah Oo Arrimo Argagixiso Lagu Xidhiidhiyey

London:Oct,20,2014(Himilo)-Dalka Ingiriiska ayaa xayiraad kusoo rogay Muwaadin kasoo jeeda Dalka Qatar oo lagu eedaynayo inuu xidhiidh la leeyahay kooxo islaamiyiin ah oo danaha reer Galbeedka kasoo hirjeeda.

nucaWasaaradda Maaliyadda ee dalka Britain ayaa sheegtay inay xayiraad dhinaca Maaliyadda ku soo rogeen Muwaadin u dhashay dalka Qatar oo lagu magacaabo C/raxmaan Bin Cumayr Al-nucaym, kaas oo eedo looga dhigay xidhiidh uu la sameeyey kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Bayaan ka soo baxay Waasaaradda ayaa lagu xusay in Al-nacayn magaciisa lagu daray Liiska dadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda, waxaana la xanibay hantida u taallay Bangiyadda Britain.

Xayiraadaasi ayaa waxaa kaloo ka mid ah in la joojiyo hantida uu ku leeyahay gudaha dalka Britain iyo in laga hortago Bangi kasta oo Xafiis ku leh dalka Britain ee xidhiidh ganacsi la leh Alnucaymi.

Dowladda Britain waxay sheegtay in C/raxmaan Bin Cumayr Al-nucaym uu bil kasta u diri jirey Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Iraq lacag dhan 1.6 million oo Dollar.

Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, David Cameron ayaa la sheegay inuu si kulul uga soo horjeedo in Liiska Argagixisadda lagu daro dadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay in C/raxmaan Bin Cumayr Al-nucaym uu maalgeliyo tiro Kooxo hubeysan oo ay ka mid yihiin Alshabaabka Somalia, Alqaacidada Iraq, IS iyo kooxo kale oo ka dhisan dalalka Bariga Dhexe.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment