Wasaaradda Deegaanka ayaa Xasirtay ama ganaaxday 13 Qof oo Beero-Cawseed ka samaystay dhulka Banka Qool-caday oo ka tirsan degmada Sallaxley oo aan loo oggolayn Beeraha gaarka ah ee Daaqa, isla markaana ka mid ah Dhulka ay Bulshada Xoolo-dhaqatada ahi wada daaqdo, kuwaasoo ay Wasaaradda Deegaanku soo xidh-xidhay Khamiistii inna dhaaftay, laguna soo xidhay Hargeysa, ka dibna la siidaayey Axaddii markii Lacagta Ganaaxa ah ee ay Wasaaraddu ku xukuntay ka qaadday oo ahayd ama dhammayd qofkiiba Shan (500,000) Boqol oo Kun oo Shilinka Somaliland ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Maxamed Faarax oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal aan ka weydiiyey Dadka laga soo xidh-xidhay Banka Qool-caday iyo sababta loo soo xidh-xidhay waxa uu yidhi; “Horta, annaga waxa weeye ciddii dhulka Oodata ama dhirta gubta Qool-caday oo keliya maahee dalka oo dhan meeshay doonaan ha joogaane annaga Dembiilayaal bay noo qoran yihiin. Dadkan Qool-caday laga soo xidhay waa dad ootay dhul aanay Sharci u lahayn oo Daaqeen ah, iyaguun-se maaha waxaannu bilaabaynaa toddobaadkan wixii ka dambeeya Wasaarad ahaan oo dhulka Mitirka la yidhaahdo ee Hargeysa Koonfur ka xiga illaa 13 KM, kaasoo kala qaybiya Bari illaa Galbeed dhul-beereedka iyo dhul-daaqeenka.”
“Markaannu hawshaas oo dalka oo dhan aannu ka bilaabayno la bilaabo waxaa meesha ka bixi doona Beeraha la iska-ootay ee dhul-daaqeenka lagu qabsaday oo aan qofna xaq u lahayn inuu keligii ooto, cidda aannu u danaynaynaana waa Dadka Xoolo-dhaqatada ah iyo dhulka daaqeenka ah in aan la kala yeelan oo aan cid gaar ahi yeelan. Markaa, wixii ay dhul dawladdu gacanta ku hayn jirtay ee daaqeenka ahaa ee la qabsaday gacanta dawladda ayaa lagu soo cilinayaa laga bilaabo toddobaadkan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed Faarax, waxaanu ku dooday inay dad hore oo lagu soo qabtay Dhir ay gubeen degmada Laas-geel ee gobolka Maroodi-jeex Maxkamadda gobolku xadhig iyo ganaax lacageed ku xukuntay, halka dadkan Qool-caday laga soo xidhay ganaax lacageed oo keliya laga qaaday.
“Kormeer Caadi ah oo aannu ku marnay meesha ayaannu ku aragnay Ninka Banka dhexdiisa maanta Cagaf geliyey ama Barkad ka qadaya ee Moosaska Buurta oo kale ah ka samaystay Banka, marka hore Gumburaha ayaan soo maray, Qool-caday baan soo maray, Badar-wanaag baan maray, markaa kormeerkaas baan kula kulmay, Anigaana arkay in la soo xidho dadkaas oo 13 qof ahaa, markaan indhahayga ku arkay dhibka dhulka ka taagan, Sharcigana la horkeeno, Ganaaxa Wasaaradda ayaa la mariyey sida sharcigu dhigayo.” Sidaa ayuu yidih Maxamed Faarax.
Mar la weydiiyey Ganaaxa inay Maxkamadi ku xukuntay dadkaas 13-ka qof ahaa waxa uu yidhi; “Annagaa Wasaarad ahaan leh Sharci ay Wasaaraddu kula dhaqanto dadka deegaanka wax yeela oo ay Golayaasha Baarlamaanka ansixiyeen, isla markaana Madaxweynuhu saxeexay, waxaanu Madaxweynuhu soo saaray Digreeto uu ku amray in ciddii deegaanka dhibaataysa tallaabo laga qaado, markaa ganaaxaas ka dib waa la sii daayey.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa Sheegtay inay Wasaarad ahaan u soo xadhko-xidheen sidii ay xalka badbaadinta dhulka Xoolo-daaqeenka ah ee Shaqsiyaadka gaarka ah gacanta u galay, isla markaana xalka keliya ee ay hadda ku badbaadin karaan tahay inay Sharciga qasab kaga dhigaan dadweynaha Beeraha samaystay.
“Wasaaradda Deegaanku waxay ka masuul tahay dhammaan wax kasta oo magaca Deegaan soo hoos-galaya, hadday deegaan daaqeen ah tahay, hadday geedo tahay, Ban iyo Bannaan meeshay tahay-ba, haddii. Waxa meeshan ka maqan Wasaaradihii, Annaguna maanta (Wasaarad deegaan ahaan) Budh baannu sidannaa waxa keliya ee na marayaa waxa weeye inaannu bannayno dhulkaas, waxaannu leenahay banneeya Shacaboow dhulka Xoolo-daaqeenka ah ee dalka Somaliland, waa inay Muwaaddinnimadu idin shaqaysaa baannu leenahay, Odayaasha, Wax-garadka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Gobollada waxaannu leenahay sii banneeya, annaguna waan bannaynaynaa meeshii Oodi taallo ee Xoolo-Daaqeen ah-ba.” sidaa ayay tidhi Wasiir Shugri.
Mar la weydiiyey Wasiirka inuu muuqdo inay Wasaarad ahaan dayaceen masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta dhulka Xoolo-daaqeenka ahaa illeen intii la Oodanayey ee la kala yeelanayeyba way jirtay Wasaaraddu oo way joogeen Masuuliyiintuye iyo siday wakhtigan wax uga qaban karaan, waxay ku jawaabtay; “Annaga nagu canaano, haa! Ma diiddanin canaanta, canaantayadana cudur-daar ka bixin mayno. Laakiin, anigaygan Wasiirka ah ee kula hadlaya cudur-daarka iigu weyn ee aan maanta bixin karaa waxa weeye, markaan maanta doonayo inaan baxo ee aannu hawlgal Beeraha Seerayaasha ah ku bannaynayno, waxaan u baahanahay Gaadiid, Shidaal iyo Askarta ila socota Qadadooda inaan hayo, dhaqaaleheennana waad og-tahay.”
“Markaa, haddaannu hore u sii jeednay maanta Wasaarad ahaan waannu soo jeesannay, Shaqaalahayaguna waa diyaar, Ciidanku way nala shaqaynayaan, haddii aannu Doorkayagii Wasaarad ahaan hore uga seexannay dib uga seexan mayno ee haddaannu laba Kabood xidhnayn maanta Toban Kabood baannu u soo gashannay, oo Dawladdu maanta kabaha ayay u soo gashatay, Madaxweynuhuna Digreeto ayuu ka soo saaray. Sabtidii iyo Axaddii Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo ay wada-shaqaynayaan Wasaaradda Deegaanku waxay uu fureen laba Ban oo Beero laga samaystay, Bankii saddexaad baa u hadhay oo ay toddobaadkan ayaa la bannaynayaa.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Deegaanka oo Jawaabta ay su’aashaa aan kor ku weydiiyey kaga jawaabtay.
Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare waxay sheegtay in hadda loo oggolaaday Shaqaale-nimada ilaalo ilaalin doonta deegaannada Dhul-daaqsimeedka ah iyo Seerayaasha Sharciga ah, waxaanay tidhi; “Haddaa naloo oggolaaday Gaadhkii ugu horreeyey oo 75 qof oo Gaadh ka noqon doona Deegaanka Xoolo-Daaqeenka ah iyo Seerayaasha Bananka laga xidhi doono si xilliga Abaarta loogu badbaadiyo Xooleheenna dabar-go’aya, gaar ahaan Lo’da iyo Edaha, siiba Edaha, waayo? Dhaqaaleheenna waxa laf-dhabar u ah amaba uu yahay Xoolaha nool ee aynu dhoofinno, oo Iduhu ugu nugul yihiin, oo ay ka nugul yihiin Lo’du Riyaha iyo Geela oo dhulka Geedlayda ah la geyn karo oo daaq ka helaya.”
Wasiirka oo ka jawaabaysay Xaddiga Lacagta lagu ganaaxay 13-ka Qof ka kooban ee Banka Qool-caday inay Beero ka samaysteen lagu soo xidh-xidhay, waxay tidhi; “Ganaax badan maannu saarin ee in yar oo Ganaax ah baannu saarnay oo Wasaaraddu leedahay, Ganaaxu wuxu ka bilaabmaa Shan Boqol, Malyan illaa Lix Malyan, markaa iyaga (13-kan) qof waxba maannu saarin ee 500,000 (Shan Boqol oo Kun) oo Lacagta Somaliland ah baannu saarnay, waana wax bilaw ku ah oo aannu wacyiga bulshada kor ugu soo qaadayno, waxay ahayd inay bilo ku jiraan, halkay laba habeen ka xidhnaayeen, balse waa bilaw.”
Sidoo kale, Wasiir Shugri oo aan sii weydiiyey inay dadkaa la Ganaaxay lacagtaas bixiyeen iyo cidda qabatay, in Beerahaas lagu ganaaxay ay sii yeelanayaan iyo inay la wareegeen, waxay ku jawaabtay; “Haa Shan daqiiqo ayay ku dhigeen Min Shan Boqol oo Somaliland ahi ma lacag badan-baa, way bixiyeen, waayo Sharci-darro ayay ku kaceen Dhul-daaqsimeed bay Ooteen oo ay Cagafyo geysteen oo ay qaar doonayeen inay Barkado ka qotaan. Laakiin, iyaga laftoodu way ka garaabeen inay qalad galeen.”
Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka jawaabaysay Su’aal ahayd ma waxaad siiddeyseen 13-kaa qof iyaga oo Beerihii iyagu iska leh mise Wasaarad ahaan waad kala wareegteen? Waxay tidhi; “Maya Xaggay u yeesheen, ma iyagaa ku dhaca inay yidhaahdaan annagaa leh, waa Dhulkayagii bannaanaa oo annaga ayaa leh, qof ay ka yeelan karaan daaqana ma jiro.”
Waxa Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland la weydiiyey waxa lagu qabanayo Lacagtaas iyo halka ay taallo hadda, waxaanay tidhi; “Dee Eddo ma nin baa qaadanaya!? Qasnadda dawladda ayay ku dhacday, waxaana lagu qabanayaa Hawlgalkaas aannu toddobaadkan bilaabayno ayaabannu Shiidaal uga dhiganaynaa Gaadiidka, Askartana Yoomiye ka siinaynaa, waa wax dawladdu leedahay.”
Gebo-gabadii Wasiir Shugri oo la weydiiyey hawlgalka Seero-baabbi’inta ee ay toddobaadkan bilaabayaan ee gobolka Sanaag-na ka bilaabmay muddada uu soconayo, waxay tidhi; “Hawlgalkankan waxaannu ugu talo-galnay inuu socdo muddo lix bilood ah oo Seerayaasha laga samaystay Xoolo-Daaqeenka dhulka ah lagu baabbi’inayo, dhulkuna Dhul-Beereed iyo Dhul-Daaqsimeed buu kala yahay, Xadkii Ingiriisku dhigay baa yaalla, kii dawladihii Soomaaliya dhigeen baa yaalla, kii u dambeeyey ee aannu 2005-kii samaynay ee aan ka midka ahaa dadkii wax ka sameeyey baa yaalla, markaa Xadkaas wixii ka baxsan waa la baabbi’inayaa, aniga la igu qaldi maayo Beer dhinac yar Hadhuudh lagaga daadiyey (beeray) oo intaas oo Kiiloo-mitirna Daaq tahay, Xadkaas baa annaga na xidhaya ee Hadhuudh meel lagu daadiyey na kala kaxayn maayo dadka, Sharcigana cid waliba way ku qasban tahay ciddii ka hor-timaadda sharcigana iyadaa cirka roob ku og.”
Wasiirku waxay sheegtay inaanay istaagin ee ay socdaan hawlgalladooda daryeelka iyo dhawrista deegaanka dalka la xadhiidha ee ay Wasaarad ahaan Masuuliyadda ka yihiin, isla markaana hawlgalkani yahay mid lix bilood ku salaysan oo ay garab-socdaan hawlgalladii sida joogtada ah ay u samayn jireen, waxaanay u soo jeedisay qaybaha kala duwan ee Bulshada in qof waliba inta kaga aaddan kala shaqeeyo arrimaha dhawrista iyo horumarinta deegaanka Somaliland.
Himilomedia.com/Hargeysa
No comments:
Post a Comment