Monday, October 20, 2014

Hablo Soomaaliyeed Oo Gacanta Lagu Dhigay Xilli ay Ku Biiri Lahaayeen Kooxda Daacish

Frankfurt:Oct,20,2014(Himilo)-Magaalada Frankfurt ee Dalka Jarmalka, ayaa waxa lagu qabtay Saddex Gabdhood oo da’yar, kuwaas oo laba kamid ahi soomaali ahaayeen.

fraeHablahan ayaa dhammaantood ku noolaaa Magaalada Denver, gobolka Colorado ee dalka Maraykanka, waxana ay ahaayeen qaar muddo la raadinayey.

Laba ka mid ah gabdhahan ayaa asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo da’doodu ay kala tahay 15 iyo 16 jir. Gabadha saddexaad ayaa u dhalatay dalka Sudan, taas oo aan wali da’deeda la xaqiijin.

Meesha ay gabdhuhu u socdeen wali ma cadda, hase yeeshee waxa mid ka mid ah gabdhuhu ay ciidamada ammaanka u sheegtay in ay u socdeen dalka Turkiga si ay wax u soo bartaan.

Xigto iyo saaxiibo magacooda qariyey ayaa VOA qeybteeda afka Soomaaliga u sheegay in Jimcihii hore gabdhaha la waayey.

Mid ka mid ah xigtada ayaa sheegay in ay magaalada Denver ka tageen galabtii Jimcaha, siina mareen magaalada Chicago, iyaga oo u sii socda magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Xigtada ayaa sheegtay in isla markiiba ay ciidanka ammaanka ogeysiiyeen, kuwaas oo iyaguna la xidhiidhay dhigooda Jarmalka.

Ilaa iyo iminka lama xaqiijin karo ujeedka safarka Gabdhahan, balse qaar ka mid ah wargeysyada Mareykanka ayaa sheegaya in laga shakisan yahya in damacsanaayeen sidii ay ugu biiri lahaayeen kooxda ISIS ee dagaalka ka wada Bariga dhexe.

Gabdhaha ayaa la sheegay in hadda dib loogu soo celinayo dalka Maraykanka oo ah meesha ay ku noolaayeen.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment