Tuesday, October 21, 2014

Somaliland oo Ingiriiska u caddeysay mowqifkeeda shir lagu taageerayo dhismaha Soomaaliya, kana dalbatay gacan-siinta ka hor-tagga Cudurka Ebola

Hargeysa, 21 Oct, 2014 (Himilo)- Dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, ayaa ka wadahadlay shir lagu taageerayo dhismaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Halista Cudurka Ebola iyo ka hor-taggiisa oo ay Somaliland ka dalbatay Britain inay ka gacan-siiso. Waxa kale oo ay labada dhianc ka wadahadleen arrimo kala duwan oo la xidhiidha xidhiidhka ka dhexeeya, sii xoojintaasa iyo qodobbo kale.

Xukuumadda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday in Sanduuqa horumarinta Somaliland yahay fikrad cusub, in badanna indhaha ku hayaan guulaha laga gaadho, sidoo kalena sheegtay inay Somaliland kala shaqeyn doonto ka hor-tagga Xanuunka dilaaga ah ee Ebola oo Aafeeyey Afrikada Galbeed iyo dalalka caalamka qaarkood oo uu isaga gudbay.

DSC_0011Kulan shalay ay qasriga Madaxtooyada kula qaateen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan Wefti ka socda dalka Ingiriiska, isla markaana ay hogaaminaysayLynne Featherstone oo Baarlamaanka Ingiriiska u qaabbilsan horumarka caalamka, Safiirka Britain ee Soomaaliya Neil Wigan iyo Madax kale, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho u kuur-gelidda mashaariicda ay maalgeliyaan ee laga fuliyo Somaliland iyo wada-xaajood hoggaamiyeyaasha Somaliland kala yeeshaan dhinacyada iskaashiga labada waddan la xidhiidha.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo kulankaa ka hadlay. ayaa sheegay in Xukuumadda Ingiriiska ay ka doonayaan sidii ay taageero dhaqaale gaar ah ugu abuuri lahayd dalkiisa, aan oggolaansho loo weydiin Soomaaliya, isla markaana kordhiyaan taageeradooda sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan doonaynaa in Ingiriisku u sameeyo Somaliland dhaqaale gaar loogu caawiyo oon oggolaansho loo weydiin Soomaaliya, isla markaana qeyb ka noqdaan wada xaajoodka u dhexeeya Soomaaliya ee Turkiga.”

Weftigan Ingiriiska, ayaa ka warbixiyey in lagu guulaystay ujeeddada shir dhawaan lagaga hadlayey ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland oo lagu qabtay magaalada London, isla markaana Haweenayda hoggaaminaysay weftigan Ms Featherstone ayaa sheegtay inay taageerayaan nidaamka doorashooyinka, loona baahan yahay in doorashooyinka Somaliland  wakhtiigooda ku dhacaan ama qabsoomaan.

Ms Featherstone oo ka hadashay shir dhawaan ka dhacaya magaalada Copenhagen oo taageerada Soomaaliya lagaga hadlayo, ayaa Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, sheegay inay dhawaan isfaham buuxa kala yeesheen Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, isla markaana sida wakhtigan loo qabanqaabiyey shirkaas oo Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay wada hagayaan aanay Somaliland ka qeybgeli doonin, balse Xukuumaddu diyaarinayso horumarkii illaa wakhtigan Somaliland gaadhay oo beesha caalamku kula socoto loona gudbin doono Guddiga sare isku-dubbaridka mucaawinooyinka 3 illaa 4-ta bisha soo socota.

DSC_0009Sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray dhammaadkii kulankaas labada dhinac ee Somaliland iyo weftiga ka socday dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in laga codsaday taageeridda wada-xaajoodka u dhexeeya Soomaliya ee ka socda Turkiga, isla markaana loogu soo jeediyey beesha caalamka taageeriddooda, taasoo Safiirka Soomaaliya ee Ingiriiska Neil Wigan sheegay inuu muhiimadda wada-xaajoodkaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Weftiga Ingiriiska kala hadlay muhiimadda lacagaha la soo diraa u leeyahiin Shacabka Somaliland iyo caqabadaha soo waajihi kara joojintooda, ayaa u soo jeediyey sida loogu baahan yahay in Xukuumadda Ingiriisku u sameeyaan dariiq wanaagsan oo loo maro soo diritaanka lacagahaa ayey Weftiga Ingiriisku hoosta ka xariiqeen inay xog-ogaal u yihiin arrinkaas, isla markaana qorshaynayaan sidii loogu heli lahaa dariiqyo ku habboon soo diritaankooda.

Gebo-gabadii Xukuumadda Somaliland oo kala hadashay Weftiga Ingiriiska sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dedaalada ay ugu jiraan ka-hortagga cudurka halsita ah ee Ebola ayuu Phil Evans Madaxa Hay’ada taageerada caalamiga ah ee Ingiriiska uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-xaajood dheeraad ah kala yeelanayo Xukuumadda.

Weftigan ka socday Ingiriiska oo kulankoodii ka dib ka dhoofay dalka isla shalay-ba, ayaa la sheegay in hore imaatinkooda Somaliland u qorshaysnaa loona ogaa sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo shalay ku soo laabtay dalku u sheegay Wargeyska Himilo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa sheegay in Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo arrorta dalka ku soo laabanayo, hore ugula kula kulmeen Xafiiskeeda London Haweenayda hoggaaminaysay iyo xubnaha kale, isla markaana si wanaagsan uu u dhacay kulankaas labada dhinac ku wada yeesheen London.

No comments:

Post a Comment