Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay Kulan dhex-maray Dhiggiisa Golaha Wakiillada
Hargeysa, 21 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aan golahaasi ku hakiyey Ansixinta Xeer Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo golaha Wakiilladu u gudbiyeen, ka dib markii ay mudaneyaasha golahaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida waxa uu go’aankaas ka dib shir-guddoonka golaha Wakiillada u gudbiyey warqad uu kaga dalbaday sixitaan lagu sameeyo nuqulka Golaha Guurtida loo gudbiyey, isaga oo qoraalkiisa ku sheegay inay kala duwan yihiin nuqulka xeerka loo soo gudbiyey iyo xeerka golaha wakiilladu ansixiyeen. Waxaanay sababtay in guddoomiyaha Golaha Wakiilladu warqad kaga jawaabo dalabka guddoomiye Saleebaan.
Haseyeeshee, Md Saleebaan oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sababta golaha guurtidu hakadka u gelisay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ku sheegay mid la xidhiidha kala-duwanaanshiyo ay ku arkeen Xeerka loo gudbiyey iyo warqad ku lifaaqnayd oo shir-guddoonka Golaha Wakiilladu ku faahfaahiyey Xeerka. Waxaanu hadalka dambe ee guddoomiye Saleebaan khilaafsan yahay warqadda uu shir-guddoonka Wakiillada kaga dalbaday dib-u-sixidda xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
“Xeerkii la soo gudbiyey iyo warqaddii soo gudbisay baa khilaaf nooga muuqday, deetana shir-guddoonkii Golaha ayaanu ku celinnay oo waxaanu nidhi labada isa soo waafajiya. Dee halkaasaa aniga iigu dambaysay. Waxa lay leeyahay warqadbaa soo noqotay, warqadda wali maan arage, aan arko,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu qoraalka uu sixitaanka sharci kaga dalbaday Wakiillada ka dib, waxa uu kulan gaar ah oo lagaga wada-hadlay is-maanka xeerkani ka dhex-abuuray labada gole la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Waxa Guddoomiye Saleebaan wax la weydiiyey waxyaabaha ay labada hoggaamiye kaga wada-hadleen Kulankaas, waxaanu ku jawaabay, “Waxaanu ka wada-hadalnay wanaag iyo wixii labada guddoomiye baarlamaan ka wada-hadli jireen,” sidaas ayuu yidhi Md Saleebaan-gaal.
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu ka hadlay awoodda Golihiisu u leeyahay wax-kabeddelka, kaabista shuruucda Golaha Wakiilladu u soo gubiyaan iyo inay dib ugu celiyaan wixii saluug ay ka muujiyaan , waxaanu yidhi, “Xeerku labada gole waa u kala gudbaa, haddii wixii aanu dhigno ay ku qanci waayaan, dee iyagay u taallaa inay go’aan dambe, anigu halkaas u dhaafi maayo.
Mar la weydiiyey waxa uu kaga jawaabayo eedaymo loogu jeediyo golaha guurtida inay caqabad ku yihiin qabsoomidda doorashooyinka, waxa uu ku jawaabay, “Sharci-qaran oo wax lagu wanaajinayo, nama qabato dib bay u dhigayaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan. “Annagu waxaanu is-nidhaahnaa wax wanaajiya, walina waxaanu qabnaa inaanu wax wanaajinaynay, dee Golihii kale ayaanu ka sugaynaa ee aanu aragno,” ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.
Golaha Guurtida Somaliland, ayaa todobaadkii hore hakad-geliyey Xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo Golaha wakiilladu u gudbiyey markii mudaneyaasha golahaasi cod-aqlabiyad ah ku meel-mariyeen. Waxaana tallaabadaas ku xigtay, warqad guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku socodsiiyey dhiggiisa Golaha Wakiillada, oo uu sharraxaad kaga bixiyey sababta Golihiisu hakadka u geliyey meelmarinta Xeerkan. Waraaqda Guddoomiye Saleebaan u gudbiyey Guurtida, ayaa u qornayd sidan: “Wax ka beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007 ee aad Golaha u soo gudbiseen, kuna lafaaqan halkani iyo kii aad Golaha ka ansixiseen farqi ayaa u dhexeeya sida ku cad qodobbada 7aad, farqaddiisa 2aad, 25aad iyo 26aad.
Sidaa daraasadeedna, waxa la idinka codsanayaa in aad is-waafajisaan, soo gudbisaan nuqul rasmi ah oo ah kii Golaha ka ansaxay,” Sidaas ayey u qornayd warqadda guddoomiye Saleebaan u diray Shir-guddoonka golaha Wakiillada.
Si kasta ha ahaatee, lama garanayo isbeddelka ku yimi sababta hore loo sheegay ee guurtidu u cuskatay hakadkii ay galisay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, hase ahaatee, waxa la ogyahay in labada guddoomiye kulan ka yeesheen arrintan maalin ka dib jawaabta guddoomiye Cirro ku celiyey Guddoomiyaha Guurtida.
No comments:
Post a Comment