Saturday, January 17, 2015

Akoonadii Xawaaladaha Soomaalidu Ku Lahaayeen Bangiyada Dalka Sweden Oo La Xidhay Iyo Warwar Cusub Oo Ka Dhashay

Stockholm:Jan,17,2015(Himilo)-Dalka Sweden somalida ku Nool waxa Haysta Warwar cusub kadib Bangiyada dalkaasi shaaciyeen inay xidhayaan Akoonada xawaaladaha soomaalidu ku leeyihiin.

wdoSoomaali badan ayaa noloshoodu ku xirdhan tahay lacagaha ehelkoodu uga diraan dalalka Sweden ay ka mid tahay, waxaa la sheegaa in sanad kasta qurbo joogta ku dhaqan Sweden ay diraan lacag gaadheysa 500 milyan oo lacagta Karoolka ah.

Bangiga weyn ee Swedbank ayaa xidhey inta badan shirkadaha Soomaalida Koontooyinkii ay ku lahaayeen, waxaana talaabadaas mid la mid ah qaadey qaar kale oo ka mid ah Banigiyada dalka Sweden.

Bangiyada ayaan keenin sabab rasmi ah oo ay u xidheen Koontooyinka, Banigiyada ayaa ku andacooda in waddamada cuno-qabateyntu saaran tahay ay xaq u leeyihiin in ay baadhitaan dheeraad ah sameeyaan lacagta loo diraayo si aan lacag loogu dirin kooxo xagjir ah, ee aanay iska xidhin Koontooyinka.

Shirkadaha Xawaaldaha ee Soomaaldia ayaa arrintan ku tilmaamey dhibaato horleh isla markaana ay adkaan doonto in ay lacagta gaadhsiiyan dadka saboolka ah ee baahidu hayso.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment