
“Dee safarku hadduu ahaa mid wax ka qabanaya tabashada waxay ila tahay inuu munaasib ahaa laakiin, mar haddaan waxba laga soo qaban waxaa laga yabaa inaanu waxba ka bedelin jawigii jiray”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Laydhka Berbera ee dawladdu shirka gaar loo leeyahay ku wareejinayso “Sidaad ka warqabtaan Saaxil Cimiladeedu way ka duwan tahay gobolada kale intooda badan,Laydhku waa Mushkiladda ugu adag shacbiga Xeebaha Somaliland gaar ahaan Berbera, markaa dadku waxay u baahan yihiin Laydh jaban oo dawladdu leedahay oo la Xakameeyo, markaa Mawqifkaygu waxa weeye in Shacbigu helo Laydh jaban oo dawladdu leedahay” ayuu yidhi Gudoomiyuhu.
Guddoomiye Cirro ayaa ku maqnaa safar muddo dheer qaatay oo uu kusoo maray meelo badan oo dalka ah, waxana uu safarkaas intiisa badani ahaa mid khaas u ahaa isaga.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment