
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Suldaan Abibakar Wabar oo ciidamo uruursaday, isla markaana ka soo horjeedsaday qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo soo jeediyey tallooyin wax lagaga qaban karo cadhada suldaanka reer Awdal.
“Wacyigii dhabta ahaa ee dadku ka cabanayeen oo ahaa saami qaybsigii dalka ayaa waxa dhammaan isku koobtay beelaha dhexe, waxaana loo baahan yahay kuraastan la isku fuuqsaday in looga dago beelaha darafyada, ninka arrinkaas la doonayo inuu qabto waa Madaxwaynaha Somaliland, isaguna arrinkaas waxba kamuu qaban.
Tallooyinka u jeedin lahaa Madaxwaynaha waxa weeyaan inuu iska daayo guddida uu u dirayo ee isagu la soo xaalo, sida wax lagaga qabanayo waxa weeyaan inuu tallooyin adag ula tago iyagana uu ku yidhaa waxaan idinka doonayaa inaad wax ka qabtaan suldaanka iyaga ayaa gacanta ku soo dhigi lahaaye, laakiin reer Awdal marka ay arkaan iyaga oon tabashadoodii waxba laga qaban, iyaguna suldaanka waxba ka qaban maayaan.
Jamaal Cali Xuseen, waxa kale oo uu ka hadlay go’aanka ay xisbiyada mucaaridku qaadan doonaan haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan xilligooda, waxaannu yidhi; “Annigu waxaannu weli ixtiraamaynaa dawlad-wadaagii ay asxaabta mucaaradku iyo madasha Wada-tashigu kuwada dhawaqeen haddii ay Xukuumaddu muddo-kordhin samayso, ilayn iyada waqtigii waa ka dhammadee. Madaxwaynaha ayaa iska leh awooda ugu badan ee doorashadda lagu qaban karo, hadafkeediina maanta ma hayo, kii ka cabaadi jirayna isaga ayaa uu ahaa xilligii uu mucaaradka ahaa, isagaana looga fadhiyaa inuu qabta doorashaddii haddii uu qaban waayo dawlad ku-meel-gaadh ah ayaanu samayn doonaa,” ayuu yidhi murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment