
Waxa kale oo maayirka Hargeysa tilmaamay in dawladda hoose lahayd awooda fulinta qorshaha lagu beddelay nidaamka waddo-marista, waxaannu yidhi; “Waa arrin lagu soo jeediyey guddida billicda soo jeedinteediina way taal, laakiin fulinteeda in la wacyigeliyo dadka ayey ahayd, cida xaq u leh inay ku dhawaaqdana waxay ahayd dawlada hoose, dadka cabanaya iyo iskaashatooyinka basaskana waanu wada hadlaynaa waanan ballansanahay.”
Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ka hadlay sida ay u arkaan warshadda laydhka Hargeysa ee lagu wareejiyey ganacsatada madaxbannaan, waxaannu yidhi; “Warshadda laydhka ee Berbera iyo Hargeysa way kala duwan yihiin, warshadda Berbera golaha deegaanka ayaa ka bixin jiray dhaqaale, waanay ka hadlayeen, laakiin warshadda Hargeysa dawladda dhexe ayaa ku shuqul leh, iyada ayaana awood u leh inay bixiso.” Maayirka oo la weydiiyey su’aal ahayd in aanay golaha degaanka Hargeysa wax la muuqdo ka qaban caasimadda, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan qabtay ummaduna way sheegaysaa, dadkuna waa u markhaati, in aan Hargeysa keeno maayaro caalamiya ahna waa arrin sumcad u ah caasimadda Somaliland, Hargeysa-na weligeed muu iman maayir iyo xoghaye Sweden toona, waxaan keenay saddex maayar, saddex kalena way imanayaan haddii la jecel yahay iyo haddii la neceb yahayba way imanayaan maayarradu.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment