Tuesday, January 20, 2015

“Anigu Calanka Somaliland Baan u Dhaartay, Mana dhex Fadhiisanaayo Meel Calanka Somaaliya Yaal”

Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax
Hargeysa 20 Jan, 2015(Himilo)- Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu diiday ka hadalka Madasha lagu caleemo Saaraayey Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ee deegaanka Buuhoodle, kadib markii masraxa laga khudbadaynaayey lagu sharaxay calanka Somaliya, waxaannu xusay inuu u dhaarta qaranka Somaliland, isla markaana aanu ka khudbadnayn meel calanka Somaliya yaal.
baasheGuddoomiye Baashe waxa uu sheegay in degaanka Buuhoodle u baahan yahay waxqabad badan iyo siyaasad in lagu tago oo aan dagaal looga baahnayn halkaas.
“Laascaanood waxa laga saarayey dawladda Putland, laakiin Buuhoodle cid laga saaraya ma jirto, annaga qudhayaduna raalli kama nihin in dagaal lagu tego, laakiin waxaannu doonaynaa in siyaasad iyo waxqabad loo tago oo dagaal wax laga faa’iidayaa ma jiro.
Jaraa’idka qaar baa waxay qoreen Guddoomiye-ku-xigeenku wuxuu ka soo cadhooday Buuhoodle, kama soo cadhoon, dhaqankii aan u tegay wuu dhammaaday, markii caleemo-saarkii dhammaaday wax la soo dhigay meeshii laga hadlaayey calankii Somaliya oo lagu sharaxay, dabadeedna hadalkii la I siiyey, waxay ila noqotay inta aan hadalka la i siin inaan ku idhaahdo dhaqan weeyaan ee meesha calanka ha laga qaado amma qolo walba calankeeda ha la soo dhigo. Anigu calanka Somaliland baan u dhaartay, mana dhex fadhiisanaayo meel calan Somaliya yaal, haddii aan dhex fadhiisanaayo meel calanka Somaliya yaalo, maan Somaliya aado,” ayuu yidhi Md. Baashe.
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Wakiilladdu waxa uu sheegay in degaanka Buuhoodle ee Garaadka lagu caleemo saraayey si fiican loogu soo dhaweeyey, isaga iyo weftigii wasiirrada ahaa ee ku weheliyey socdaalkaas, waxaannu yidhi; “Waxaannu ka qaybgalnay caleema Saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, aniga iyo wefti ka socda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, safarkaas waxaannu ku tegnay Buuhoodle, si fiicana waa naloogu soo dhaweeyey si fiican baanay dadweynaha degaanku noo soo dhaweeyey.”
Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee intuu siyaasadda ku jiray uu booqasho ku tego degaankaas, isagoo xusay in madasha uu tagay ahayd madal dhaqameed ay isugu yimaadeen dad kala afkaar duwan. “Arrinku muu ahayn arrin siyaasadeed ee arrin dhaqan buu ahaa, dad badan oo kala siyaasad ah baa isugu yimi sida aad ka warhaysaan, laakiin si wanaagsan baa loo maamulay, aad baanay u fiicnayd, dadkuna aad bay u soo dhaweeyeen cid kasta oo ka soo qaybgashay.
Waa markii ugu horraysay ee aan socdaal ku tego intii aan siyaasadda ku jiray, waxaanan soo arkay magaalo weyn oo aad u dhisantay oo si fiican u dhisan, dad waxqabsanaya oo isku tashaday oo dhismo fiican iyo hawlo fiican haysta weeyaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment