Tuesday, January 20, 2015

“Reer Awdal Waxaan Idhaahdaa Inaad Baryootantaan Maaha..Ku Hamiya Inaad Somaliland Xukuntaan..”

Prof. Axmed I. Samatar
Hargeysa 20 January, 2015 (Himilo)- Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu aaminsan yahay jiritaanka tabashooyinka shacabka gobolka Awdal qabaan, balse aanay macquul ahayn in daraadeed loo yidhaahdo waan ka baxaynaa Somaliland.
axmed ismaaciil samatarProf. Samatar oo ka hadlayey wareysi dhowaan lala yeeshay ayaa sheegay inaan looga baahnayn inay baryootamaan bulshada reer Awdal, laakiin, xaqa waddanku ku leeyahay ka soo baxaan, sidoo kale doontaan xaqa ay ku leeyahiin waddanka.
Mar uu ka hadlayey su’aal laga weydiiyey inuu la qabo tabashooyinka reer Awdal ka tabanayaan xukuumada ayuu sheegay,
“Haa inay jirto arrimo badan oo ka hadlayaan odeyaashu. Sida laysku maamulo waddanka, xidhiidhka ka dhexeeya dawlada iyo shacabka. Arrimo dhab ah oo ay soo bandhigayeen in muddo ah way jirtaa. Laakiin, annigu ma qabo, shacabka Awdal-na boqolkiiba shaqaashan ma qabaan inay taasi dhalinayso in laga baxo oo laga soo horjeesto Somaliland.
Laakiin waxa weeye in laga doonto waddanka dhexdiisa iyo siyaasiyiinta waxii dan ah ee ka maqan. Annigu dadka reer Awdal waxaan ku idhaahdaa ha baryootamina, inaad baryootantaan uma baahnidin. Xaq baad leedahiin, waddankuna xaq ayuu idinku leeyahay, labaa is-barbardhiga, xaqiinana ka soo baxa, xaqa aad leedahiina doonta. Ku hamiya inaad Somaliland xukuntaan, laakiin la yimaada karti cusub iyo aragti cusub oo ummadoo dhan dhaqaajin karta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment