Tuesday, January 20, 2015

Wasiir Xagla-Toosiye Oo Dhaliilay Talaabadii Wefdiga Somaliland Qaarkood Kaga Soo Baxeen Xafladii Caleemo-Saarka

“Caano-shubka garaadka ayaan u tagnay inaanu ka qaybgalno oo ka muujino doorka iyo dareenka Somaliland oo aheyd waajib…”
Buuhoodle 20 January, 2015 (Himilo)-Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye ) ayaa sheegay inaanay haboonayn talaabadii wefdiga Somaliland qaarkood kaga soo baxeen xafladii caleema-saarka Buuhoodle, maadama calan yar oo nin dan lihi meel sudhay mudnayn in hawshii qiimaha lahayd ee meesha loo tegay lagu lumiyo.
xaglo toosiyeDr. Saleebaan Xaglatoosiye oo weli ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in culays ay ku saareen Madaxweyne-xigeenka Puntland arrimo siyaasadeed uu ka waday Buuhoodle keentay inuu ka baxo magaalada.
Wargeyska Himilo oo khadka telefoonka wareysi kula yeeshay wasiir Xagla-toosiye isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle oo u kaga hadlay xaalada deegaanka Buuhoodle iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee maamulka Puntland ka wadaan buuhoodle, caleemo saarkii Garaadka ka dib iyo qorshaha Somaliland, u dhacay sidan:
“Deegaanka buuhoodle guud ahaan waa nabad, wax dhibaato ahina kama jirto, buuhoodle waxa ku qabsoomay caano-shubkii Garaad Axmed Garaad Soofe oo waxa isugu yimid wufuud badan oo kala duwan iyo siyaasiyiin kala jaad ah oo mabaadii kala fog wadata, hase yeeshee illaahay guul ayuu ku dhameeyey oo wufuudii way kala noqotay, siyaasiyiintii dhamaantoodna way ka baxeen, haatana buuhoodle wanaag iyo nabad ayaa ka jirta”.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan oo la weydiiyey sida uu u arko in madaxweyne ku xigeenkii maamul goboleedka Puntland uu caleemo saarka ka dib buuhoodle gudaheeda dhagax dhigo mashaariic uu ku sheegay inay fulinayso Puntland ayaa waxa uu ku jawaabay:-
“Ninkaasi arrimahaasi aad sheegtay ee dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo mamnuuc ahaa ayuu galay, hase yeeshee jawaab culus oo aanu ka bixinay oo ah inaanu muujinay in aanay Somaliland u dulqaadanayn dhaqdhaqaaqiisa ee ay talaabo ku haboon oo ay kaga hortagayso ay qaadayso, ayaa dadweynihii deegaanku ku kaceen oo culus weyn oo ay dadku saareen awgeed ayuu uga baxay saaka (Shalay)”.
Wasiir Xagla-toosiye oo la weydiiyey siduu u arko qaabkii uu kaga yimid Buuhoodle guddoomiye ku xigeenkii golaha wakiilada Md Baashe oo ka mid ahaa weftigii Somaliland ee ka qaybgalay caleemo saarka Garaadka, ayaa sheegay inaanay ahayn inuu simo xaalada Buuhoodle iyo Hargeysa, waxaanu yidhi,
“Buuhoodle waa deegaan Somaliland ah oo waa deegaan la ogyahay inaanay siyaasadiisu daganayn, mana ahayn weftiga Somaliland inay simaan xaalada Buuhoodle iyo Hargeysa, waxaana meesha ka dhacaayey caano-shubka garaadka ayaan u tagnay inaanu ka qaybgalno oo ka muujino doorka iyo dareenka Somaliland oo aheyd waajib, markaa aniga waxay ila tahay in calan yar oo meel la sudhay, oo nin ujeedo guracan lihi sudhay inaan hawsha qiimahaa leh iyo dadka reer buuhoodle midnaba lagaga tagi Karin”.
Gabagabadii Wasiirku Xaglo toosiye wuxuu sheegay inuu maalmo ku sii sugnaan doono Buuhoodle oo uu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada una kuurgali doono xaalada dhabta ah ee dadka deegaankaasi, sidaasi awgeedna uu rajeeynayo in si dhakhso ah oo nabada dhawaan loo arki doono Buuhoodle oo Somaliland ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment