Indhaha aadamuhu waa ay kala arag duwan yihiin oo Alla (SWT) ma simin, Dadka qaar waa arag dheer yihiin, halka qolo kalena araggoodu gaaban yahay, Ogow oo qayb bulshada ka mid ahina aragga waa ka arradan yihiin oo waa indhoolayaal. Faraha insaanku ma sinna, wayna kala dhaadheer yihiin, Ku darsoo bani’aadamka laftiisu waa kala wada duwan yahay amase kala gaddisan yahay.
Kol haddii arrinku sidaa yahay, ma filaysaa in aragti walba ama fikir walba la isku waafiqi doono? Xaaasha! Waa la is waafiqi karaa, waana la is khilaafi karaa, laakiin taa macnaheedu maaha haddii aynnu isku waafaqno aragti gaar ah in aynu mar walba is waafiqi doonno. Sidoo kalena, haddii aynnu isku khilaaafno aragti gaar ah maaha ujeeddadu in aynnu isku diidi doonno aragti kasta oo ina dhex marta. Dhaleecaynta aragti dhagar qabtaa waa sifooyinka qof bed-qaba. Wuu awoodaa qof kastaa inuu dareemo argtida dhib keeni karta, balse qof waliba ma awoodo inuu u soo bandhigo aragtidaa dhibta qabta bulshada. Saxaafaddu waa halka keli ah ee awoodda in ay bulshada u soo bandhigaan aragtiyaha dhabta ah ee aan dhagarta qabin, awooddana in ay u iftiimiyaan aragtiyaha ku salaysan dhalanteedka. Saxaafad xor ah ayaa awoodda in ay u adeegaan bulshadooda una bidhaamiyaan fikradaha xun iyo kuwa wanaagsanba. Saxaafad xor ah ayaa bulsho xor ahi ku soo bandhigi kartaa fikradahooda kuna wadaagi karaan aqoontooda, waana hubaal in dad badan oo karti lihi ka soo dhex muuqan karaan saxaafad xor ah oo dadku u siman yihiin, aragtiyahana aan ku salaynahayn doonista dawladda ama danaha dad gaar ah. Dunidan horumartay ee aynnu ku nool nahay casrigani waa duni warbaahineed oo ku dhisan doonista shacabka. Maaha duni ku dhisan doonista dawladaha ama danaha dad gaar ah. Mar haddiiba arrinku sidaa yahay warbaahintu waxa ay matashaa doonista dadweynaha. Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in dawladuhu dhawraan madaxbannaanida waaxaha warbaahinta, sababta oo ah, waxa ay matalaan shacabka. Shacabkuna mar walba waa in uu hiil iyo hoo-ba la garab istaagaa warbaahinta la cabbudhinayo! Cabbudhinta warbaahintu waa cabbudhinta dadweynaha, Dawladaha sii liicaya waxa lagu yaqaannaa inay cuskadaan warbaahinta ama saxaafadda.
Cabdiqani Iid Cilmi
Email:cab_dir@hotmail.com
Islamabad, Pakistan
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment