Tuesday, January 20, 2015

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Socdaalka Madaxweyne Silaanyo Iyo Arrimo Kale

Hargeysa 20 January, 2015 (Himilo)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib markii uu muddo safar ugu maqnaa Waddamada Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.
cirroGuddoomiyaha oo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo taageerayaal tiro badan ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa ayaa sheegay inuu ku maqnaa safar dano gaar ah u badnaa balse uu danta Qarankana waxyaabo ka soo qabtay.
Guddoomiyaha oo warbaahintu weydiisay aragtidiisa ku aadan Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Gobolka Awdal oo wax badan ka tabanayay Xukuumadda waxa uu yidhi “Dee safarku hadduu ahaa mid wax ka qabanaya tabashada waxay ila tahay inuu munaasib ahaa laakiin, mar haddaan waxba laga soo qaban waxaa laga yabaa inaanu waxba ka bedelin jawigii jiray”
Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Laydhka Berbera ee dawladdu shirka gaar loo leeyahay ku wareejinayso “Sidaad ka warqabtaan Saaxil Cimiladeedu way ka duwan tahay gobolada kale intooda badan, Laydhku waa Mushkiladda ugu adag shacbiga Xeebaha Somaliland gaar ahaan Berbera, markaa dadku waxay u baahan yihiin Laydh jaban oo dawladdu leedahay oo la Xakameeyo, markaa Mawqifkaygu waxa weeye in Shacbigu helo Laydh jaban oo dawladdu leedahay”
Guddoomiyaha Waddani iyo Wakiiladu waxa uu sheegay in Xisbigiisu taagan yahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo islamarkaana Komishanku ku dhakhsado hawlaha ka dhiman “Hawshaa doorashada annaga Xisbi ahaan Mawqifkayagu waxa weeye in Doorashada la qabto xiligeedii, wixii hawl ah ee la qabanayana waxaa laga rabaa Komishanka oo xilku saaran yahay, oo anigu waxaaban rajaynayay in Wakhtigan Qandaraasyadii iyo Diwaangalintii Codbixiyeyaashaba lagu dhawaaqo laakiin hadda uun baanu xogogaal u noqon wixii socda”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment