Somaliland oo lagu Marti-qaaday Fadhi Baarlamaanka Yurub yeelanyo Toddobaadkan
Brussels, 18 Jan, 2015 (Himilo)- Shir ballaadhan oo lagaga hadlayo qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo sidii taageero looga dhex-raadin lahaa beesha caalamka, gaar ahaan qaaradda Yurub, ayaa lagu wadaa inuu todobaadka soo socda ku qabsoomo magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.
Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xildhibaam James Carver oo ka tirsan mudaneyaasha Baarlamaanka Midowga Yurub ugu jira dalka Ingiriiska, ayaa lagu marti-qaaday Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, waxaana ka qayb-gali doona wufuud beesha caalamka ka kala socota.

Xildhibaankan ayaa dabayaaqada sannadkii hore fadhi baarlamaanka Midowga Yurub kaga dooday Aqoonsiga dalka Falastiin, waxa uu dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale, Xildhibaan Carver ayaa waraysi gaar ah oo Wargeyska Himilo la yeeshay bishii hore, waxa uu ku sheegay ku sheegay inuu wado dedaalo la xidhiidha qadiyadda aqoonsiga Somaliland, isla markaana uu shaaca ka qaadi doono qorshayaashiisa horaanta sannadkan cusub.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis la filayo inuu warbixin ku saabsan qadiyadda aqoonsiga Somaliland ka jeediyo fadhi baarlamaanka Yurub yeelan doono badhtamaha bishan oo lagu marti-qaaday, sida uu Wasiirku u xaqiijiyey Wargeyska HIMILO dhowaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland


No comments:
Post a Comment