Sida xogo wargeyska Himilo helay tibaaxayaan, raggan la qabtay oo tiradoodu gaadhayso lix qof ayaa shalay lagu qabtay degmada Raqas, iyagoo wata 50 Neef oo adhiga nooca yar yar ee loo yaqaan Janbaqa iyo 6 Dameer oo ay sahay ku siteen.Raggan la qabtay oo dhamaantood dhalashadoodu ka soo jeeday koonfurta Soomaaliya, sida magacyadoodu tilmaamayeen, ayey xogaha wargeyska Himilo helay sheegayaan in xalay ciidamada amaanku u soo dhaadhiciyeen magaalada Ceerigaabo, si baadhitaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Xubnahan la qabtay oo la sheegay inaanay wax hub ah sidan, ayaa loo malaynayaa inay ku bedesheen xoolaha ay wataan iyo dameeraha ay sahayda ku siteen, isla markaana doonayeen inay dhinaca dalka Yaman u talaabaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment