
“Shaqadayada Kama baaqsanee Suldaan fidnoobay oo Irdhoobay annagu wax aanu nidhaahno garanmayno, Aydana kaga daba tegimayno, Reer Awdalna iyagaa ku filan Dalkuna Cidna Rabshad ugama Baahno. Nin suldaan sheeganayana Hadalkiisaba Daa.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan Oo Hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka hadlay muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inaan la joogin xilli arrintaas laga hadlo oo su’aal laga keeno, waxana uu yidhi,
“Waxan idin leeyahay Muddo-kordhin maanta ka wada Hadlimayno, wakhtigeediina ma joogno, maalinta ay Doorashadu kaabiga inagu keento ama Bil kahor uun bay arrintaasi qaadqaadideeda leehahay inta ka horraysana waanu qabnaa in la qaban doono.”
Saleebaan Maxamuud Aadan oo dalka kaga maqnaa safar muddo dheer ahaa, ayaa hadalkiisani waxa uu kusoo beegmayaa xilli aanay wali xukuumaddu tallaabo cad kaqaadin Suldaanka Buuraha galay, isla-markaana aanay muuqanin ifafaale dalka lagaga qabankaro doorasho xilligeedii ku qabsoontaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment