Tuesday, January 20, 2015

BUUR IYO BANNAAN: Socdaalka Madaxweynaha, Dareenka Bulshada iyo Miisaanka Wasiirrada Deegaannadooda la martiyey

WARBIXIN: By Maxamuud Walaaleeye
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Wasiirrada ugu tunka weyn Xukuumaddiisa, Marwada Madaxweynaha, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale, ayaa 13-kii bishan Januaray magaalada Hargeysa ka baxay Socdaal loogu magac daray Buur iyo bannaan oo ka bilaabay ka tirsan gobollada Galbeedka dalka iyo deegaanno ku teedsan Xuduudka dalka Itoobiya.
Deegaannada Madaxweynuhu ku marayo socdaalkiisa oo uu ilaa immika ku gudo-jiro, ayaa juquraafi ahaan ka kooban buuraha gobollada Galbeed gaar ahaan deegaannada gobolka Awdal iyo Dhulka Qadowga (Dhul bannaan oo dhir gaagaabani ka baxdo) ah ilaa Koonfurta Xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya, taasina ay tahay sababta ka dambaysa magaca uu socdaalkani wato ee BUURAHA iyo BANNAANKA ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyey.
Inta uu madaxweynuhu ku gudo-jiray socdaalkiisa, waxa uu mashaariic kala duwan oo qaarkood ugub yihiin u dhagax-dhigay bulshada deegaannada uu safarka ku marayo, halka uu sidoo kale xadhigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey. Haseyeeshee, intii madaxweynuhu ku gudo-jiray qaybta hore ee Buuraha iyo Qadowga deegaannada Galbeedka dalka oo aan weftiga ku wehelinayey, qaybtan hore ee warbixintana aan ku soo qaadanayo, waxa barbar-socotay saamaynta ay deegaannadooda ku leeyihiin wasiirradii madaxweynaha la socday iyo meeqaamkii ay bulshadu ku soo dhawaysay.
Socdaalkii Madaxweynaha ee Awdal
Madaxweynaha Somaliland waxa uu mashaariic kala duwan u dhagax-dhigay deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Dila iyo Baki, kuwaas oo ay ka mid yihiin jid laami ah oo degmada Baki ku xidhaya waddada laamiga ah ee isku xidha gobollada Galbeed.
Kulan ballaadhan oo magaalada Baki kudhexmaray weftiga madaxweynaha iyo madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo xiisad faro-gelin dibadeed salka ku haysa ay muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaayeen. Haseyeeshee, madax-dhaqameedka iyo wax-garadku waxa ay halkaas ka sheegeen inaanay gobollkooda ka jirin wax ka duwan tabashadii ay hore ugu gudbiyeen wax-qabashadeeda, arrinta Suldaan Wabar-na ay tahay arrin ku kooban nin kaliya aragtidiisa oo aanay bulshada gobolku la qabin.
“Mudane, madaxweyne dalku waa mid, dadku waa mid, wax kala duwani ma jiro. Md madaxweyne waxa wax laysku weydiinayaa oo lagu wada-hadlayaa ama lagu sheekaynayaa waa midnimo; waxa la wada-leeyahay dalka, waxa la wada-leeyahay dadka, waxa la wada-leeyahay duunyada, wax kale intaas dheer oo meesha yaallaa ma jiraan. Wixii laguu keenay ee miiskaaga yaala ee aad hormuudka ka ahayd, waa taas ta wax lagaaga doonayaa oo ah midnimo iyo wax-wada-lahaanshiyo, ciddii wax intaas dheer doonaysa ma garanayno,” Sidaas waxa yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka hadlayey munaasibad soo-dhawayn ah oo madaxweynaha iyo weftigiisa loogu sameeyey gobolka Awdal.
Haseyeeshee, marka laga yimaaddo hadalka madax-dhaqameedka, waxa muuqatay inay aad u hoosaysay doorka ay abaabulka bulshooyinka deegaanka iyo soo-dhawaynta ku lahaayeen wasiirrada weftiga wehelinayey ee gobolka u dhashay.
“Madaxweynaha waxaan kula dar-daarmayaa, maanta midnimaa jirtee, laba dariiq uunbaad noo soo maraysaa; dariiq waa ka siyaasadda oo madaxweyne ku-xigeenka ayaad noo soo maraysaa, dariiq-na waa ka dhaqanka oo Golaha Dhaqanka ee Gadabuursi ayaad u soo maraysaa,” sidaasna yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ka hadlay munaasibadda magaalada Baki loogu qabtay weftiga madaxweynaha.
Intaas ka dib, madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay safarkooda u jiheeyeen Xarunta gobolka Awdal ee Boorama halkaas oo madaxweynaha iyo weftigiisu gaadheen xilli habeenimo ah, balse kama muuqan doorka ay wasiirradu ku lahaayeen qaban-qaabada soo-dhawaynta weftiga in kasta oo dadweyne tiro badani madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyey magaalada, waxaanu halkaas madaxweynuhu kulan ballaadhan kula qaatay wax-garadka, madaxda dhaqanka iyo qaybaha bulshada, ka hor intii aanu wefti ka amba-bixin magaalada.
Dareenkii Bulshada gobolka
Waxa xusid muddan, Intii aan ku gudo-jiray socdaalka Madaxweynuhu ku marayey deegaannadan waxa aan si gaar ah ugu kuur-galay dareenka bulshada iyo aragtiida la xidhiidha socdaalka weftiga madaxweynaha, waxa ay dareen togan ka muujiyeen ujeeddada socdaalka madaxweynaha ee xilligan oo ay u arkeen mid uu ugu kuur-galayo xaaladda ay ku sugan yihiin shacabkii soo doortay.
Qaar ka tirsan bulshada deegaamada gobolka, waxa ay dareeno isku mid ah ka bixiyey masuuliyiin ay sheegeen inay ugu suntan yihiin waxqabad laga hirgeliyey deegaamadooda, kuna xaqiijiyey inay ugu hayaan abaalkooda sida ay u guteen waajibaadkii ummada u hayeen.
Shacabka deegaannada oo aan weydiiyey hadday jiraan xubno ku jira oo si gaar ah ugu suntan ayaa dhamaantood sheegay inay qadarin iyo abaal ugu hayaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis M. Samaale waxqabad laga hirgeliyey deegaamadooda.
Nin ka mid ah dhalinyarada degmada Dilla oo ka tirsan gobolka Awdal oo ka hadlayey dareenkiisa xubnaha wefdiga iyo hadday jiraan shaqsiyaad si gaar ah ugu suntan ayaa sheegay inuu ka dooranayo Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirka Maaliyadda Samaale, abaalna ugu hayo ballanqaadka dhismaha wadadda u dhexeysa magaalada Dilla oo xukuumadu sheegtay inay dhisayaan.
SOCDAALKA MADAXWEYNAHA IYOGOBOLKA GABILEY
Safarka Md Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa oo markii uu Hargeysa ka baxay si rasmi ah uga bilaabmay degmooyinka Galbeedka Hargeysa ilaa gobolka Gabiley oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey, waxa uu madaxweynuhu magaalada Arabsiyo xadhigga uga jaray Biriish laga hirgeliyey Dooxda degmadaas, kaas oo magalaada inteeda ku xidhaya Dugsiga H/Dhexe ee Arabsiyo oo ku yaala dooxa Dhinaciisa Shisha, waxaana mashruuca dhismaha biriishka lagu hirgeliyey iska kaashaday xukuumadda iyo bulshada deegaanka oo dhibaato xoog lihi ka haysatay, gaar ahaan ardayda wax ka barata dugsigaas oo xilliyada roobka ka baaqsan jiray waxbarashadooda.
Degmada Tog-wajaale oo ku taala xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya, isla markaana ah magaalo-ganacsi, waxa xilliyadan Jiilaalka ka dhacda dhaxan iyo qabow saamayn ku yeesha dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo isu-socodka bulshada wakhtiyada habeenkii, waxaanay weftiga madaxweynaha oo aan ku wehelinayey magaalada soo galnay xilli dambe oo habeenimo ah, kaddib markii aanu soo dhammaysannay socdaalkii aanu ku soo marnay gobolka Awdal.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku sii gudo-jira socdaalkooda, waxa ay subaxnimadii magaalada Togwajaale uu u dhagax-dhigay garoon Kubadda Cagta ah oo xukuumaddu kharashka dhismihiisa bixinayso, ka hor intii aanu soo amba-bixin dhinaca degmooyinka Alleybaday iyo Geed-ballaadh oo weftiga madaxweynaha si heersare ah loogu soo dhaweeyey, isaga oo mashaariic qaarkood cusub yihiin u dhagax-dhigay, halka uu sidoo kalena kormeer ku maray dhismaha jid laami ah oo Isku xidhaya magaalooyinka Aleybaday iyo Arabsiyo oo hawsheeda lagu gudo-jiray.
Dareenkii Shacabka goboka
Si mid ah, waxa aan qaar ka tirsan bulshada deegaanka wax ka weydiiyey sida ay u arkaan wax-qabadka xukuumadda iyo socdaalka madaxweynuhu ku marayo deegaannadooda, waxaanay dareeno isku mid ah ka bixiyey masuuliyiin ay sheegeen inay ugu suntan yihiin waxqabad laga hirgeliyey deegaamadooda.
Gabadh ka mid ah ardayda dugsiyada dhexe ee magaalada Wajaale oo aan wax ka weydiiyey dareenkooda Wefdiga xukuumadda ee ku sugan magaaladeeda iyo haddii ay jiraan xubno si gaar ah ugu suntan ama ay ka dooran lahayd iyo sababta ayaa sheegtay inay yihiin Madaxweyne Siilanyo iyo Wasiirka Maaliyadda Samaale, maadama booqashada wefdiga uu horkacayo madaxweynaha Somaliland, waxaanay si gaar ah wasiirka Maaliyadda oo ay sheegtay inuu ka war-hayo xaaladda deegaankooda. Iyada oo sheegtay inuu haweenka ganacsada Suuqa Hilibka ee magaaladaas oo hooyadeed ku jirto uu u ballan-qaaday dhismaha sariibad ay ku ganacsadaan.
Sidoo kale nin ka mid ahaa dadka beeralayda ee degmada Allay-baday oo ku sugnaa tuulada Dhardhaaro xilli ay ka dhacaysay xaflad lagu soo dhoweynayey wefdiga madaxweyne Siilanyo oo dhismaha wadadda Allay-baday iyo Arabsiyo laga hadlayey oo la weydiiyey dareenkiisa wefdiga, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uga ku bogaadiyey wax-qabadka ay ka samaysay deegaannadooda, waxaanu si gaar ah u xusay wasiirka Maaliyadda iyo Beeraha oo uu xusay inay taageeraan beeralayda, waxaanu si gaar ah u sheegay in bulshada deegaanka abaalweyn ugu hayso Wasiir Samaale dhismaha waddada oo uu sheegay inay wax badan ka tari doonto sidii beeralayda deegaannadaasi wax-soo-saarka saracooda iyo midhaha u soo go’a beertiisa ay si fudud ugu gaadhsiin karaan magaalooyinka dalka.
La soco Qaybo kale iyo Socdaalka BUUR iyo BANNAAN ee madaxweynaha, dareenkii Shacabka iyo Meeqaamkii loogu soo dhaweeyey deegaannada kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment