Wasiirkan oo loo dhiibay wasaaradda beeraha ayaa la sheegayaa inuu ku jiro liiska dadka ay Interpol raadinayaan, kaas oo madaxweynuhu ku warhelay kadib markii uu liiska golaha Wasiirrada kusoo daray.Mohammad Yacqub Xeydari ayaa laga baadi goobayaa dalka Estonia, waxaana loo haystaa in aanu bixin canshuuro laga doonayay sanadkii 2003-dii.
Mr Xeydari ayaa sheegay in uu yahay dhibane shirqool siyaasadeed loo dhigay, waxana uu dafiray inuu wax dambi galay, isagoo hoosta ka xarriiqay in horumarkiisa siyaasadeed dagaal lagula jiro.
Madaxweynaha Afghanistan oo dhawaan la doortay ayaa soo dhisay Dawlad wadaag ah, kadib markii uu muran ka dhashay Guushiisa, waxana dhexdhexaadin laga dhex abuuray isaga iyo Cabdalla Cabdalla oo tartan la galay lagu dhameeyey inuu xukuumadda kusoo daro Xubno taageerayaal u ahaa Cabdalle Cabdalah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment