Walaaca bad-qabka dhismahaas, ayaa taagnaa ka hor inta aanu dumin, balse jawaab yar, ayaa laga bixiyay. 41 qof oo kale oo ay ka mid yihiin Madaxda dawladda, ayaa dembiyo lagu oogay, waxaana lala xidhiidhinayo dumidda dhismaha iyo masuuliyadda dadkii uu ku dumay ee halkaas ku dhintay.Dhismaha waxaa ku yaallay dhowr Wershadood oo sameenayay Dharka loo iibgeyn jiray dalalka reer Galbeedka. Saxaafadda dalkaas ka hawlgasha, ayaa sheegaya in eedeyni ay ka dhalatay sida Wershadahaas ay u shaqeynayeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment