Saturday, June 13, 2015

Booliska Canada oo Gacanta ku dhigay Soomaali ku eedaysan Ku lug-lahaanshaha Weriyeyaal la afduubay

Ottowa, 13 June, 2015 (Himilo)- Booliska Waddanka Canada, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, isla markaana ay xidheen Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer oo ay sheegeen inuu ku lug-lahaa afduub 23-kii bishii August 2008-dii loo geystay laba Weriye oo kala ahaa Amanda Lindhout oo u dhalatay Canada iyo Suxufi kale oo u dhashay Australia, kuwaasoo lagu afduubay gudaha Soomaaliya, lana sii daayey sannadkii 2009-kii.
SOOMAALI CANADA LOOGU XIDHAY KIIS AFDUUB SUXUFIYIINNinkan Soomaaliga ah ee lagu magacaabo Cabdi Cumar Adeer, ayaa lagu qabtay magaalada Ottowa ee dalka Canada maalintii Khamiista ee doorraad, waxaana lagu eedeeyey ninkaas oo aan xadhiggiisa faahfaahin badan laga bixin inuu ka qayb-qaatay wadahadallada Madax-furashada la doonayey in lagu siiyo Kooxda Malleeshiyada ahayd ee Afduubtay Suxufiyiintaas..
Booliska Canada, ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu ku lug-lahaa wada-xaajoodyada muddada 15-ka bilood ahayd ee labadan Weriye afduub ahaanta loogu haystay gudaha Soomaaliya. Labada weriye ayaa waxaa la sii daayay bishii November ee sannadkii 2009.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment