Tuesday, June 2, 2015

Fadliga Bisha Shacbaan Maxaad Ka Ogtahay?

Bisha shacbaan Barakadeeda & u diyaar garowga Ramadaan.
Waa xaqiiq shay kasta oo aynu xiiso u qabno inaan dedejisano inuu inoo yimaado ama aan gaadhno, ka soo qaad qofku marka uu qaadanayo shahaado intay doontaba ha le’ekaato shahaadadaasi derejedeeduye waxuu tirsadaa waqtiga xaflada shahaadada la qaban doono, cabaayado waaweyna aan gashan doono cid madixiina ina guddoonsiin doonto. laga yaabee inaan maalintaas ku casuuno kuwo badan oo qaraabadeena ah si aan u tusno qalin jebinta Jaamacadeena weliba waxa badan inaan sawiro galno ama ha noqdeen keli keli ama koox koox, taasi waxay ka tarjumaysaa farxad iyo damaashaad aynu u muujinayno nafteena iyo ummadeena.
Haddaba marka dhaldhalaalkii adduun sidaas yahay waxa mudan inaan xasuusano waqtiyo qiimo badan inoo leh fadli badan leh oo mudan inaan si wayn ugu xiisno ugu faraxno uguna diyaar garowno inaan ka faa’iidaysano,
Bisha inoo bilaabantay maalmahan waa bisha la yidhaaho Shacbaan oo ka mid ah Billaha aadka u fadliga badan ee Nebigeenuna SCW uu ku deddaali jiray inuu camaladiisa kor u qaado si uu inoogu tarbiyadeeyo qiimaha iyo wanaaga bishani leedahay waxyaabuhu samayn jiray waxa ka mid ah:
Soon sunne ah,
Qur’aanka oo uu akhriyi jiray.
Xuska Illaahay oo uu farabadin jiray.
Sadaqada oo uu bixin jiray.
Waxyaabaha faralka ah oo uu joogteen jiray.
Ramadaan oo uu ka sii hadli jiray.
Aan ku horreeyo Soontii sunnaha ahayd ee uu badin jiray Bishan,
Rasuulkeenu SCW waxa la soo weriyey bisha ugu badan ee soon Sunne ah uu la yimaadaa waxay ahayd Bisha Shabcaan, waayo waxay leedahay waxyaabo ay kaga soocan tahay billaha kale.
Usaama bin Zayd Rc wuxuu yidhi: Xabiibkaan waydiiyey SCW Bisha la yidhaaho Shabcaan soonta ayaad aad u badisaa sunnaha ahe bilaha kale maxay kaga duwan tahay? Wuxuu iigu jawaabay Rasuulku ayuu yidhi scw: bishaasi waa bil dadku moogan yihiin fadligeeda Rajjab iyo Ramadaan ayay u dhaxaysaa waa bill camalada kor loo qaado waxaan jecelahay in camaladayda kor loo qaado anigoo sooman!
Anas Ibnu Maalikna wuxuu yidhi Rc: Rasuulku wuxuu aad ujeclaa inuu soomo bisha Shabcaan.
Caa’ishana waxay tidhi Rc: Rasuulku intuu soomo ayaan odhan jiray malaha maba afurayo, markaasuu haddana afuri jiray ilaa aan idhaaho malaha maba soomi doono. Soontiisa Sunnaha ahna waxa ugu badnayd bisha Shabcaan.
Shabcaan inteeda badan wuu soomi jiray Rasuulku scw sida ay soo weriyeen saxaabadu RC.
Wuxuu yidhi caalimka wayn ee Ibnu Rajjab Rc: bisha Shabcaan soomisteedu waa tababbarasho qofku u sii tababbaranayo Bisha qaaliga ah ee Ramadaan si marka ramadaan uu gaadho aanu ugala kulmin rafaad iyo daal.
Sidaas oo kale waxa mudan in qofka Muuminka ahi ku dedaalo Qur’aan akhriska bishan Shabcaan si Qur’aanka uu naftiisa ugu diyaariyo inay jeclaato bishaas Ramadaan.
Dadkii saalixiinta ahaa waxay iskugu tahniyadeen jireen Shabcaan iyagoo ku faraxsan inay Ramadaan ku soo dhawaatay.
Salamata ibnu haykal wuxuu yidhi: saalixiintii bishaas Shabcaan Qur’aanka si wayn ayay u akhriyi jireen,
Camar Bin Qaysna waxa la yidhi wuu xidhi jiray dukaankiisa marka Shabcaan soo gasho si uu ugu diyaar garoobo cibaadada Ramadaan iyo shabcaan.
Abuu Bakar Albalkhi wuxuu odhan jiray isaguna alle ha u naxariistee: bisha Rajjab waa bisha Zaraca la beero khayrka. Bisha Shabcaana waa bisha la waraabiyo Zaraca la beeray Rajab, Bisha Ramadaana waa bisha La goosto Zaricii la beeray ee la waraabiyay labadaas bilood ee hore.
Wuxuu kaloo odhan jiray Bisha Rajjab waa dabayl roobaad, bisha shabcaana waa bil darruureed, Bisha Ramadaana waa bishii roobka, haddaba sidee ayuu beertiisa wax uga goosanayaa ninka aan sii shiniyeyn bisha Rajjab,
Sidaas oo kale qofka muslimka ahi wuxuu aad u jecelyahay inta uu adduunka joogo inuu badsado soonta Cumar Bin Khadaab markii lagu dhuftay nabarkii uu u dhintay Rc wuxuu yidhi: uma murugoonayo adduunyada waxaanse ka murugoonayaa soontii aan la iman jiray waqtiga kulaylaha oo iga dhamaatay iyo kalahaadi iyo u lugayntii salaadaha faralka ah, Cumar Rc wuxuu ka murugoonayaa in soomtii iyo salaadii ka dhamaanayaan marka uu dhinto oo aanu soomi doonin.
Weliba dadka fiicani waxay aad ugu dedaali jireen soonta waqtiga ay tahay kulaylaha sida Xagaaga oo kale waxa la soo weriyey in Abuu bakar Rc soomi jiray waqtiga Xagaaga ee kulul, uuna soonta sunnaha ah yarayn jiray waqtiga qaboobaha ama jiilaalka.
Cumar bin khadaabna wuxuu ku dardaarmi jiray waar hooy ogaada soonta sunnaha ah waqtiga kulaylaha oo badsada. Waayo waqtiba waqtiga uu ka kulul yahay wuu ka ajar badan yahay qofka soomaa qofka sooma qaboobaha.
Caa’isha waxa la soo weriyey Rc inay soomi jirtay waqtiga kulaylaha, isku soo duuduuboo dadkii quruunu dahabiga noolaa waxa ay ku dedaali jireen soonta waqtiga rafaadka badan ee kulul si ajarkoodu u bato.
Abuu Dardaa, Saciid ibnu jubayr, Caa’isha, Abuu bakar, Ibnu siirayn, Ibnu tamiimi, Cumar binu khadaab, Abuu Muusaa Alashcari iyo qaar kaloo badan dhamaantood Illaah haka raali ahaadee waxay ku dedaali jireen inay soonta sunnaha ah la yimaadaan waqtiga kulaylaha.
Sidaas oo kale selefkeenii waxay ku dedaali jireen bishan sadaqada
Walaalayaal adduunyadu waa saacado waa inaan daacada ku dedaalnaa waa inaan ka Qaniimaysanaa bishan Shabcaan ee aan ku jirno si aan tabbabar fiican ugu helno bisha Ramadaan oo aad u fadli badan.
Aan badsano Munaajaadka iyo ducooyinka saacadaha habeenkii iyo maalintii.
Haddii kulaylku inagu badan yahay haddii rafaadku inagu badan yahay adduunka ogow waxaan Illaahay swt ka rajaynaynaa inuu inugu casuumo Jannooyinkiisa Negaadiga ah ee weligood aan laga baxay Illaahow na sii Jannadaada oo noo naxariiso, shabcaana khayrkeeda na waafaji Ramadaana na gaadhsii. nagana aqbal.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment