Wednesday, June 3, 2015

Kooxda Daacish oo mabnuucday dhaqashada Xamaanka oo ay u sababeeyeen Arrimo Diini ah

Anbar, 03 May 2015 (Himilo)- Kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa amar ku bixiyey joojinta dhaqashada shimbiraha Xamaamka, waxaanay taas ku sababeeyeen maadama xubnahooda taranku muuqdo marka ay duulayaan, taasina gef ku keenayso islaamka.
shimbirQoraalka ay Kooxda Daacish ku soo saartay amarka lagu mabnuucay dhaqashada Xamaamka, ayaa lagu sheegay in dadka dhaqda shimbiraha xamaamku haystaan muddo usbuuc ah inay ku joojiyaan shaqadan haddii kale ay la kulmi doonaan ciqaabo kala duwan.
Amarka kooxdan ISIS ee la xidhiidha shimbiraha xamaamka ay ku sheegen inuu ka soo horjeedo dhaqanka islaamka ayey hore ugu xidheen 15 wiil, oo saddex dil lagu xukumay deegaanka Diyala ee barriga Ciraaq.
Qoraalka kooxadani ku mamnuucday dhaqashada shimbiraha xamaaka ayaa lagu sheegay dhamaan dadka ku dhaqda guryaha dushooda shimbiraha waa inay ku joojiyaan muddo usbuuc ah”
Qof kastoo fulin waaya go’aankan waxuu la kulmi doonaa ciqaab ganaax, xadhig iyo karbaash.
Wararka mamnuucida shimbiraha xamaamka ayaa hore loogu haystay inay keentay shaki in qaab sirdoon loo adeegsado shimbiraha, ama fariimo lidi ku ah ISIS ay gudbiyaan, laakiin soo shaacbaxa qoraalkan mamnuucida ayaa bayaamiyey ujeedada ka dambaysa mamnuucida dhaqashadooda oo lagu fasiray, “in lagu joojiyo dhaawacida qof muslim ah ama dumar muslimka jaararka, maadama xubnahood ataranku muuqdo xamaamka, wakhti lumisna yihiin dhaqashadoodu.”

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment