[gallery columns="2" ids="21100,21093"]
Sida lagu faafiyey war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, waxa uu madaxweynuhu digreeto ku magacaabay Safiirradda Somaliland u fadhiya dalalka Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta oo labadooduba ku soo biiray liiska waddamada ay Somaliland xidhiidhka dibloomasiyadeed la leedahay.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1.In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
2.In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada.
Waa Kuma Mingiste?

Waa Kuma Baashe Cawil?

Baashe Cawil Cumar oo sannadihii u dambeeyey deggenaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxbarashadii iyo waayaaragnimadiisa shaqo ku soo qaatay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Kenya oo uu muddo badan ku sugnaa. Dalka Ingiriiska intii uu ku sugnaa, wuxuu wax ku bartay Univeristy College London halkaas oo uu kaga takhasusay Maadada Chemistry, isagoo markii dambe Jaamacada Manchester University ka qaatay Shahaadada MSc oo uu ku sameeyay Cilmiga Petrochemistry.
Sida aanu ka soo xigannay, taariikh nololeedkiisa oo lagu baahiyey barta Facebook, waxa uu Baashe Cawil markii dambe fursad u helay inuu shaqadiisii koowaad ka bilaabo markuu dhamaystay jaamacada, shirkada Thermo Fisher Scientific, xarunteeda Maraykanka, oo muddo gaadhaysa 10 sannadood u qaabilsanaa Research Scientist.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment