Saturday, June 13, 2015

Mucaaradka Jabuuti oo ku baaqay bannaanbax maanta ka dhaca Faransiiska

Paris, 13 June, 2015 (Himilo)- Xisbiga Badbaadinta Qaranka Jabuuti (USN) ayaa ku baaqay banaanbax manta, isla markaana nasiibdaro ku tilmaamay fulin la’aanta heshiiskii ay dhamaadkii sannadkii hore la saxeexdeen xukuumada, oo wakhtigan u ololeynaysa sidii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele u noqon lahaa musharax 2016.
MUCAARADKA JABUUTIWarsaxaafadeed USN ka soo saareen xafiiskooda Faransiiska ayey ku sheegeen inaan xukuumada Jabuuti khaldi Karin shacabka, maadama ilaa wakhtigan aaanay muuqan in xukuumadu dhab ka tahay heshiiskii ay la gashay xisbiyada mucaaradka, halka dhinacooda ay fuliyeen balanqaadyadii heshiiskaa.
Sidaa darted waxa la gaadhay wakhtigii dib shacabku ugu muujin lahaa codkooda, una badbaadin lahaa madaxbanaanida iyo dimoqraadiyada Jabuuti.
Xisbiga USN laantiisa Faransiiska ayaa ku baaqay banaanbax manta ka dhaca wajahada safaarada Jabuuti ku leedahay magaalada Paris, isla markaana qoraalo ugu gudbin doonaan madaxda safaarada.
“ma dhici doonto doorasho sannadka 2016, hadii aan la fulin heshiiskii xisbiyada”
Dhinaca kale shacabka jabuuti ayaa si weyn uga soo horjeeda dedaalo xukuumadu ugu jirto sidii Madaxweyne Ismaaciil cumar geele mar afaraad isugu soo taagi lahaa doorashada madaxtinimada April 2016, isla markaana banaanbax lagaga soo horjeedo uu ka dhacay xaafada Arxiba ee caasimada Jabuuti shalay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment