Saturday, June 13, 2015

Xuska iyo Dib-u-milicsiga DharaarihiiTaariikh Nololeedkii Mahadhooyinka Ahaa Ee Aabbo M.M Kastan-W/Q: Amal MMKastan

Geeriyeey xishoodlaay,
Xejiyaay fogeeyaay,
Xaasha’ e af tahanimo,
Haddii uu xabaal galay.

Abwaan Gaarriye, Geeridu waa xaq, waana mid Ilaahay (SWT) ugu ballan qaaday in noole kasta oo adduunka guudkiisa ku uumman uu dhadhamin doono, cid geeri ka badbaadaysaana aanay jirin. Khamiista Maanta oo kale waxay ku began tahay dharaartii Badhtamihii sannadkii 11/6/ 2014-kii, waxa xijaabtay Aabbo qoraa, hal abuur Eebe u siiyay curinta hibo Alle ha u naxariistee Aabbo Maxamed Maxamuud Kastan. Waxa iilka la dhigay oo gurigiisa dhabta ah lagu aasay xabaalaha Xeedho ee magaalada Hargeysa, 12-kii bisha June 2014-ka. isla markaana waxa loo sameeyay aas qaran oo, dawladda, madaxda iyo dad weynaha yar iyo weyn ee Reer Somaliland ayaan u kala hadhin aaskii Aabbo, duco iyo quraan badan oo Alle ay uga baryeen inuu illahay ka mid yeelo kuwa ka mid ahaada inta ku aroorta safka Rasuulka CSW, Aabbo Maxamed Maxamuud Kastan Illahay ha u naxariisto isaga iyo intii ka horaysay-ba.
Dib-u-milicsiga dharaarihii taariikh nololeedkii, mahadhooyinkii quluubta bini’aadamka ka tirtirmayn iyo dabeecadaha gaar ah ee Eebe hibada u siiyey Macalinkii , Suxufigii iyo qoraagii weynaa ee magaciisa siweyn looga yaqaanay geyiga ay ku dhaqan tahay ummadda ku haddasha af-soomaaliga Alle ha u naxariistee Aabbo Maxamed Maxamuud Kastan, ayaanu idinku soo gudbinaynaa inta aanu ka xasuusano taariikhdiisii qayb yar oo ka mid ah, badweynta taariikh-nololeedkii aan qallin iyo qoraal lagu soo koobi karin ee Aabbo.
Aabbo Maxamed Maxamuud Kastan waxa uu ku dhashay Xafadda Bilaajo-carab ee magaalada Muqdisho sannadkii 1969-kii. Waxbarashada Dugsigii hoose, dhexe wuxuu ku soo qaatay Dugsigii iskool Naasir ee Muqdisho, kadib markii uu ka baxay dugsiga dhexe wuxuu tegay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga baxay dugsigiisii sare. Quraankana wuxuu ku dhameeyay isla goobtii uu ku dhashay, isagoo quraanka ka khatimay Malcaamadii la odhan jiray Shariif-saalax ee Muqdisho. Wuxuu waxbarashadiisii heerka Jaamacadda ku dhamaystay Masar ee magaalada Qaahira oo uu ku dhamaystay laba kulliyadood oo kala ahaa saxaafada iyo culuumta diinta islaamka . Waxa kale oo macalin Kastan caan ku ahaa waqtigii uu dhalinyarada ahaa ee uu ku jiray waxbarashada Ciyaaraha qaybahooda kala duwan, waliba wuxuu ahaa ciyaartoydii ugu horaysay ee China tabo-bar siiyaan noocyada kala duwan ee is rog-rogida, karaatayga, kubada cagta, teniska iwm. Wuxuu ka soo shaqeeyay dugsigii magaalada Muqdisho ee Carafaad oo uu aasaaskiisa lahaa agaasimena ka ahaa iyo shirkadii safeenta patroolka Iraksoma oo uu madax ka ahaa.
Aabbo wuxuu Somaliland u soo wareegay sannadkii 1993-kii oo uu markii ugu horreysay si rasmi ah u degay, gooni-joogna kaga noqday dhammaan xubnaha kale ee qoyska reer Kastan oo ku kala nool Maraykanka, Yurub iyo Australia, kadib markii uu go’aan adag oo aan leex-leexasho lahayn kaga calool-go’ay qurbo-joognimo iyo nolol raaxo badan. waxaannuu ka door-biday inuu isagoo wax kasta heli kara caasimadda Hargeysa uu dego sannadkii 1993. Aabbo iyo Hooyo Saynab waxa isla magaalada Hargaysa ugu dhashay shan carruura oo kala ah Amal Maxamed Maxamuud Kastan, Axlaam, Aniisa, Maxamuud iyo Muniir oo waqti xaadirkan ku nool dalka Holland ee qaarada Yurub.
Somaliland:- Bilawgii Warbaahineed Marxuum Kastan markuu cagaha soo dhigtay Dalka waxa waqtigaas bulshada reer Somaliland ka soo baxday dagaalo iyo gaajo badan oo sababtay jahli iyo dar-xumo, isla markaa wuxuu dhex-da u xidhay sidii uu ummaddiisa uga saari lahaa jahliga ay ka dhaxleen halgankii dheeraa ee ay kula jireen Millitarigii Siyaad Barre. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta ugu aqoonta iyo kartida badnaa ee seeska u dhigay aasaaskii saxaafadda xorta ah oo la kowsatay markii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii, waxaannu sannadkii 1993kii ka mid ahaa aasaasayaasha wargeyskii ugu horreeyey ee dalka laga sameeyey oo la odhan jiray CODKA HARGEYSA oo calanka u siday tifaftireyaashii soo saari jiray, wax yar kadibna waxa uu abuuray wargeys uu isagu gaar u lahaa oo la odhan jiray Goobjoog. Wuxuu ka soo shaqeeyay Wargaysyadii ugu horeeyay Somaliland ee Codka Hargeysa. Jamhuuriya, Maandeeq, Xog-ogaal, Damal iyo wargeyso kale oo ka soo bixijiray dalka, halka uu ka soo shaqeeyay Telifeeshankii ugu horeeyay ee Somaliland laga furay ee Space channel- oo uu ka sii dayn jiray barnaamijyo badan oo uu ka mid yahay barnaamijkii Haanta dhaqanka Soomaalida ee caanaha ciirta lagu lulo. Tv-ga Horn Cable oo uu isagana ka shaqeeyay barjaamijyadiisana waxa ka mid ahaa hadaa mid iyo laba ka xuso “Taariikhda afrika, Dhacdooyinka adduunka, dagaalkii 2-aad ee adduunka iyo Galab wanaagsan oo uu lahaa curintooda.” isla markaana Aabbo Kastan wuxuu ahaa khabiir waayo arag ah, kana mid ah aas-aasayaashii warbaahinta iyo qallinka madaxa-banaan ee Somaliland, muddo dheerna ka soo shaqeeyay mihnada saxaafadda Somaliland. Waqtigii ay ku timi geeridii xaqa ahayd ee Allihii ifka keenay dib u kaxaystay wuxuu Aabbo Kastan ka mid ahaa La-taliyayaasha sar sare ee Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta iyo dhaqanka Somaliland, gaar ahaan Telefiishanka Qaranka.
“Alle ha u naxariistee Marxuun Kastan waxa iigu horeysay arragiisa 1993-kii badhtamaheedii. waxaan ka hawlgeli jiray wargeyskii Codka Hargeysa oonu ku soo saari jiray indianlinka, waxa uu ahaa nin ay aad uga muuqato astaamaha diinta, xiligaa madaxdana ku daroo wey yarayd cid sidiisa ah. Dagaalkii sokeeye,kadib ilaa iyo dabayaaqadii 1994-kii wuxuu wargeyskii Codka Hargeysa ka noqday maamule, wax yar kadib, haddana waxa isaga iyo labada marxuum ee Qodax iyo Maxamed Case oonu Codka Hargeysa ka wada hawlgelaynay ay haddana gaar u soo saareen wargeys kale oo magaciisu ahaa dambaal, kaasi oo aan wakhti badan sii jirin. Marxuumku waxa uu maareeye ka noqday madbacad uu la yimi Sandoon oo ilaa maanta jirta sidaan la socdo. Marxuumkuu wuxuu door weyn ku lahaa oo uu ka mid ahaa aas-aasayaashii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanan xusuustaa in shirweynihii 2-aad ee SOLJA oo 17 saxaafi oon ka mid ahaa aanu mid keliya codkiisa siin,marka laga reebo aniga oonu isku aragti ka ahayn sida aanu ururka u doonaynay oo ahayd in ururka yahay ururka suxufiyiinta, balse aanu ahayn mid ay Lee yihiin mulkiilayaasha hayadaha warbaahinta, kaasi oo aan shirweynihii 3-aad ee ururka ku soo dhamaystiray in laga fogeeyo ururka mulkiilayaasha warbaahinta. Haddii aan wado waxa aan ka qori karaa buugaag inta aan ka aqaan Kastam oo ahaa walaal aan aad u jeclaa.”
Sidaa waxa yidhi oo aan qoraalkaas ka soo xigtay Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Shiine.
Xasuustii Mahadhooyinka Ahaa Ee uu ka tegay Marxuum Kastan Wuxuu qori jiray sheekooyin gagaban oo murti iyo maad isugu jiray. Alle ha u naxariistee Aabbo Maxamed Maxamuud Kastan hibadii Ilaahay u siiyey qoraalka saxaafadda iyo buuggaagta ka sakow, waxa uu ahaa Taariikh yahan ku xeel-dheer oo loo daba fadhiisto taariikhda bulshooyinka kala duwan ee Soomaalida iyo caalamka oo dhan, iyadoo arrintaasina u suurtogelisay inuu qoro sheekooyin iyo buuggaag aad loo jeclaysto akhriskooda oo huwan qisooyin iyo dhacdooyin kala duwan oo iyagu is-fasiraya, kana turjumaaya xaalada nolosha bulshada, isla markaana wuxuu ku caan-baxay qorista maqaallo joogto ah oo intooda badan uu ku soo daabacay Wargeyska Jamhuuriya, warbaahinta kale ee Wargeysyada iyo buuggaag xambaarsan macno iyo ujeeddooyin aad u xeel-dheer oo ku saabsan nolosha bulshada iyo tusaalooyin aqooneed oo la xidhiidha sida looga guulaysto isbeddellada ijtimaaciga ah ee dunida soo mara, kuwaas oo uu si xikmadaysan ugu aroorin jiray hadba dhacdooyinka ugu waaweyn ee waqtigaas ka taagan dalka iyo duruufihii nololeed ee shacabka reer Somaliland soo dhex dabbaasheen labaatankii sannadood ee la soo dhaafay. Qoraaladiisii uu ku daabicijiray Wargeysyada waqtigaas uu joogay ifka hadaynu qaar ka mid ah aynu soo qaadano waxa ka mid ahaa ciwaanadan. “Marxalad Qaali Ah”.”Beerta Xigmadd” Ha Ku Si Foobin” Kumaad Tahay?” Laba Dunida Ugu Xun” Ka War Doon.” Ma Isku Dayday.” Suuqa Nolosha.” Jacaylku Ma Dintaa.? Dib ha iigu sheekayn” Duni Aan Caqli Ka Jirin” Maxaad Dadka Kaga Guulaystaa.?
Weedhahaas ayaa ka mid ahaa, balse Aabbo kastan wuxuu ummadda Soomaaliyeed uga tegay dhaxal aan waligii duugoobayn oo jiil kasta oo ku soo kordha ummadda Soomaaliyeed anfici doona, waxaana ka mid ahaa buugaagta uu qoray ee xambaarsan waayo iyo dhacdooyin la yaab ah oo aad ka baranayso qaybaha nolosha ee adduunyada dusheeda taala waqtiga waxa ka mid ah.
1. Bustaanka xikmadda
2. Ka fog siyaasada
3. Wehelkaaga
4. Badwaynta nolosha
5.Furaha farxadda
6. Garaadkaaga la kaasho.
Inkastoo Macalinkii Aabbo Kastan aan la soo koobi Karin xigmadiisii iyo dhacdooyinkii uu kaga tegay ifka wuxuu ahaa qoraa xigmad badan oo soo saaray sheekooyin badan oo bulshadu aad u xiisayso, Wuxuuna jeclaa wax akhriska wuxuuna yaqaanay luuqado badan, isla markaana wuxuu shacabka reer Somaliland uga tegay oo ay ka dhax-leen hanti aanay waligood ka dhergayn oo jiilal badan ka faa,iidi doonaan, waxaana buugtiisa ugu caansanaa Badwaynta nolosha, oo lagu daray buugaagta jaamacaddaha maraykanka lagu xifdiyo lana waday qoraalkiisa isagoo English ah.
SIFOOYINKII iyo Dabeecadihii La Yaabka Ahaa Ee Alle Ku Manaystay Aabbo: Anigoo Amal Intii aan la joogay Aabbahey aroor walba waxa albaabka gurigii aanu ka degeneen magaalada Hargeysa, si xoog ah noogu soo garaaci jiray carruur aanu ahayn daris ama xaafadaha jaarkayaga aanu, laakiin Aabbahay wuxuu ku kici jiray garaaca albaabka iyo buuqa caruurta, arintaasi aad bay ii dhibtay aniga oo ahaa waqtigaa Inan aad u yar in aabahay subax walba albaabka ay ku tumaan carruur yar-yar, waxaana markasta maskaxdayda ku soo dhici jirtay ama aan is weydiin jiray Su’aal ah maxay carruurtani Aabahaa hurdada uga kiciyaan.? waxa dhacda inay ku qayliyaan ama ay dhibsadaan qaylada ubadka yar-yar, iyagoo hurda ka dul saqadha waalidiinta kale, balse Aabahay Maxamed Maxamuud Kastan, sidaa muu samayn jirin, isla markaana marka ay carruurta aanu dariska nahay soo garaacaan albaabka gurigayaga, waa laga furi jiray, ka dib waxay u dhaafi jireen ama ay is hor tubijireen qolka aabbahay hurdo, Alle ha u naxariistee inta uu hurdada ka kaco ayuu u qaybin jiray lacag ay ku soo Iibsadaan nacnaca iyo waxyaabaha carruurtu xiiseeyaan ee dukaamada xaafaduhu Iibiyaan. Aniga maadaama aan ahaa aabahay curadiisii aad bay ii dhibtay in aabahay hurdada ka kiciyaan carruurtaasi oo subaxkasta ama waagii beryaba wuxuu caruurta sii baraa waxyaabo aysan ku joojinayn inay ka qasaan hurdada. Subixii danbe ayey soo garaaceen albaabkii Guriga oo waddadii ayay soo hayaan aniguna sidii ayaan isu weydiinayaa su’aashii ahayd maxay Aabahaa albaabka ugu tumayaan. Intii aanuu aabahay kicin, ayaan ciyaalkii ka furay albaabkii guriga, ka dib waan ku qayliyay, waxaana ku idhi eray ahaa sidan:-“Maxaad subax kasta Aabbahay albaabka ugu garacaysaan?!. Mar danbe albaabkan ha soo garaacina oo ka taga meesha.” Alle ha u naxariisto Aabahay ayaa hadalkii aan carruurta ku lahaa maqlay. Inta uu toosay oo uu albaabkii qolkiisa furay ayuu igu yidhi Aabo Amalay carruurta soo daa oo ii daa ha iga eryin. Runtii anigu Aabbahay aad iyo aad ayaan u jeclaa oo wax kasta haye Aabo ayaan odhan jiray. Balse carruurtii yar-yarayd waan ku soo daayey, sidii caadada u ahayd kadinka ayay uga galeen qolkii uu hurday Aabahay, Aabo caruurtii lacagtii uu siin jiray ayuu mid walba farta kasaaray oo uu u qaybiyay, waxaanay albaabka ka baxeen iyaga oo faraxsan aadna u qoslaaya mid walbana sii tirsanayo xoogaaga qadaadiicda nususaacahooda ahaa. Aniga oo aad uga xun talaabooyinka ay samaynayaan ubadkaasi yar-yar ee xaafadaha nagu hareeraysan, waxaana mar walba aan is weydiin jiray maxay u garaci waayeen guryaha ay hurdaan Aabayaasha kale ee nagu dhegan ama nagu qabsan ama nagu xiga ee deriska aanu nahay ee xaafadda ku dhaqan, balse waxaa guri nagu xeeran ee aanu dariska nahay mid kaliya albaabkiisa ma eegaan ama is ma hortagaan waagii beryaba oo waqti badan ayaan eegayey inay galaan ama albaabada ku garacaan guryaha nagu xeeran ee deriska ah, isla markaana waxaan is weydiinayaa su’aal ah. Waa maxay sababta marka qoraxdu godka ka soo boodo saalada hore ee la hurdo subax walba albaabka idinku tumayaan ee ay aabahaa u toosiyaan, kuwa kaleba kuma garacayaan ee ay u dhibayaan Aabahaa ayay naftaydu is waydiinaysaa oo cadho ayaan jiq ahay, mana garanayo xadiga ama heerka ay cadhadaydu marayso. Ka dib markii aan dhawr daqiiqadood dhex taagnaa daarada aqalkayaga ayaa si degdeg ah albaabka uga galay aabahay Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo isaga iyo Ummadda muslinka ah ee ka horaysay, balse markiiba waxaan u qadimay su’aal ahayd sidan:- “Aabo caruurtan jaarku aad ayay kuu dhibeen oo subax walba hurdadii ayay ka toosinayaan. Sidoo kalena lacagtii ayay ka dhameeyeen subax kasta, laakiin adigiina aroor kasta kalgacal xad dhaaf ah ayaad u muujinaysaa, si ay kugu soo noq-noqdaan, xitaa xoog ayay u garacayaan albaabka ee maxaad lacagta noogu bartay Aabo guryaha kale ee xaafadahaba ma garacayaan.? Ayaan weydiiyey aabahay. Aabbahay intuu si degan oo ay wajigiisa ay ka muuqato farxad iyo dhoolo cadayn qosol ah ayuu igu yidhi.”Aabo Aamalay caruurtani waa Maxamuud iyo Muniir saaxiibadood, sidaa darteed qiimeyn weyn ayay iga mudan yihiin, waana ii xasuus intaad iga maqan tihiin,”Erayadaas iyo qaar kale oo waano ah ayuu Aabahay igula taliyey, balse Muniir iyo Maxamuud waa laba Wiil oo da’doodu ahayd waqtigaas 3 iyo 4 jir oo Aabahay dhalay, kuna noolaa waqtigaas qurbaha.
Sidoo kale, Aabbahay wuxuu ahaa shakhsi illahay ku galaday naxariis, deeqsi ah oo waxa uu hayo qofka u horreeya siiya, waxa uu ahaa qof haddaanu wax hayn oo aad la kulanto kuu amaah tageya, qof jecel inuu dadka dhibta la qaybsado, isagana hadday dhibi la kulanto aan laga dareemayn. Hase yeeshee Geerida Aabbo Maxamed waxay saamayn weyn ku yeelatay oo ilaa maanta qalbigooda iyo maanka naftooda ka bixin boqolaal ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Somaliland oo uu gacan weyn ku lahaa nolosha mustaq-balkooda, halka qaar ka mid ah maanta ay magac weyn ku leeyihiin bulshada dhex-deeda ee Soomaalida, gaar ahaan war-baahinta iyo ardayda wax ka barta jaamacadaha adduunka oo uu talo iyo hoga-tusaalayn ka siin jiray waayaha is badel-badelaaya iyo dhacdooyinka ay xabaarsan tahay qoraxda soo baxda ee gal-biska inagu dhaafta oo ay ku duugan tahay micno weyn galab caraabka cadceeda oo la sii hooyata qoraal iyo daruusta ay maalintaa ka ururisay ummaddaha kala duwan ee illahay ku uumay uunka dushiisa.
Waxa kale oo Geerida Aabbo ay saamayn weyn ku yeelatay oo sida laanbada ka damtay carruur yar-yar oo ku noolaa xaafadayada oo ilaa maanta soo eega gurigii Aabbo ku noolaan jiray, waxaanay ku reebtay xasuus aanay abid ilaawayn, waxaana ka tegay saaxiib ku weynaa naftooda oo ay ku xisaabtami jireen. Inkastoo qalin lagu soo koobi Karin dhacdooyinkii Eebbe ku manaystay Aabbo. “Qof kasta oo laba sacadood la taagnaada ama la jooga waa nin akhriyay buug noofala (novel), ninka in badan la joogana maxaad u malaynaysaan?.” Maahmaahyada uu hal-haysta u lahaa inta aan xasuusto waxa ka mid ah.
1.-Madaxweynaha wanaagsani waa sida adhi raace wanaagsan oo adhigiisa ku ilaashada meesha bahalka iyo abaarta badan.
2.Ilmahaga oo aad kalluun bisilsiiso waxa ka fiican barista, sida loo soo baxo isagoo qaydhi.
3. Shan-berri Sheekh laguma noqdo.
4.Sababta marka la garto la yaabka ayaa meesha ka baxa.
5.Dadka waxa ka mid ah qaar dhegaha wax ka maqla, qaar jeebka wax ka maqla, qaar caloosha wax ka maqla iyo qaar aan waxba maqlin.
6.Aar goosigu waxa uu la mid yahay, EY ku qaniinay adna aad qaniintay.
7.Cilmigu waa geed, shaqaduna waa midhihiisa, qof kastana waa waa wuxu horemarsado.
8.Calool dharagsan jirtay oo gaajotay wax weydii, calool gaajootay oo dhargay waxba ha waydiin oo ah nin ku soo koray gaajo wax-ba ha wadiin ee nin dharag ku soo koray waxwalna soo arkay wax waydii .
9. Ilmahaga caloosha ha u bixin ee madaax u buuxi.
10.Qofkaad doonayso inaad barto saxiibkii baro hortay.
11.Waxa indhaha ka fog qalbiguna wuu ka fog yahay.
12.Qofka carruurtiisa jecel, agoomaha wuu u naxariistaa.
13. Adduuyadu iska noolow maaha ee waa macno u noolow.
14.Qoomamo maalin ah, waa adigoo maalin qada.
15.Shalay sannad ah, waa adigoo iskuulka ku saaqida.
16.Qoomamo adduun waa adigoo xilahu ka xumaado.
17.Qoomamo waarta waa adigoo camalka akhiro kaa xumaado.
Aabbo MM Kastan waxa uu ahaa nin cibaadada ku fiican, diintana aad u yaqaana, falsafaha caalamka soo marayna aad u yaqana, waxkastoo adduunka guudkiisana wax ka yaqaana. Nin neceb siyaasadda, jecel wararka adduunka iyo ciyaaraha. Dhinac kasta oo ay noqoto nin aanay kala xiiso go’ayn qofka ay is-bartaan yar iyo wayn-ba oo ixtiraam leh ula dhaqmo. , Aabbo MM Kastan waxa uu ahaa nin jecel Reerkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana ahaa Nin qaraabada xidhiidhiya. waxa lagu xasuusan doonaa, sannad rukumo weyn ka baxay bahda saxaafadda Soomaalida iyo ummadda ku hadasha afsoomaaliga, isla markaana waxa geeridiisa siweyn looga dareemay caalamka oo dhan wuxuuma ahaa mid aanay waligii ka baxayn maskaxda bulshada ku hadasha Afsoomaaliga oo uu ka tegay rukun meel weyn kaga jiray waxaan ku soo koobayaa inuu ahaa nin mucjiso ku ahaa Geeska Afrika oo intii Illaahay garan siiyaa ay garankarto. Waxaana leeyahay Illaahay naxiistii janno ha ka Waraabiyo Aabbahay oo aniga gaar ahaan Amal saamayn weyn igu lahayd geeridiisu, inkastoo ay xaq-tahay, Ilaahay jannada ha ka waraabiyo isaga iyo ummadda Muslimkaba.
Aamiin… Aamiin… Aamiin

Xus oo Xasuuso Maalmihii M.M Kastan
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment