Tuesday, July 14, 2015

Ban Ki-moon oo furay Shirweynaha horumarinta Dhaqaalaha Caalamka iyo Shirka Xawaaladaha Soomaalida oo Addis Ababa ka socda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Khudbad dheer ka jeediyey Shirarkaas isa-saarka ah
Addis Ababa, 14 July, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khudbad ka jeediyey Shirweynaha 3-aad ee waddamada caalamka ee Maalgashiga iyo Dhaqaalaha, kaasoo Isniintii shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, kaasoo uu garab-socdo shir lagaga hadlayey arrimaha Xawaaladaha Soomaalida oo uu soo qaban-qaabiyey Urur-goboleedka IGAD.

[gallery ids="21560,21559"]

Shirkan oo ay soo Qaban-qaabisey Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Mashaariicda u qaabbilsan Qaramada Midoobay UNDP, isla markaana ay marti-gelisay dawladda Itoobiya, kaasoo uu si rasmi ah u furay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon. Waxa kale oo Warkan garab-socday Shir lagaga hadlayey nidaamka Xawaaladaha Soomaalida, kaasoo uu soo qaban-qaabiyey Urur-goboleedka IGAD.
Waxaa Shirka Xawaaladaha gaarka u ah ee shirkan guud ku lammaanaa lagaga wadahadlay sidii nidaamka sharci ee Xawaaladaha loo sugi lahaa, maaddaama oo ay jiraan caqabado la xidhiidha shaqadooda iyo tuhunnada inay gudbiyaan Lacago Argaggixisadu leedahay, isla markaana ay Baananka caalamka qaarkood joojiyeen Xisaabaadkii Xawaaladaha Soomaalida. Sidoo kale, waxa lagaga hadlay sida ay nolosha Soomaalidu ugu tiirsan tahay Xawaaladaha ee dadkooda dibedaha ku dhaqani u soo mariyaan biilasha iyo waxa ay ku nool yihiin, Shaqo-abuurka ay u yihiin Soomaalida iyo sidoo kale, Lacagaha Tahriibayaasha lagu gudbiyo iyo sida ay marka dambe kharashaadka qoysaskooda u soo mariyaan. Waxaana laga soo jeediyey halkaas in Xawaaladuhu nidaamkooda shaqo sugaan si aanay Lacagaha ay gudbiyaan u waxyeellaynin ammaanka guud ee caalamka, gaar ahaan Qaaradda Afrika, khaasatan waddamada Geeska.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo Masuuliyiin dawladdiisa ka tirsani shirkaas ka qaybgaleen, ayaa khudbadiisa kaga hadlay Arrimo dhawr ah oo la xidhiidha horumarka Caalamka, Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya isagoo sheegay in muhiimadda koowaad ee Shirkan ay tahay fursadda loo helayo in laga doodo sidii dalalka caalamka looga taageeri lahaa inay gaadhaan hadafyadooda dhinaca horumarka oo dhammeystiran.
“Waa inaan isla meel-dhignaa hadafyo la fulin karo, kuwaasoo si tartiib tartiib ah qeyb uga qaadan kara cidhibtirka fakhriga. Waa inaan dedaalkeenna isugu geynaa sidaan u dhisi lahayn hay’adaheenna kala duwan, lana yareeyaa colaadaha, waayo? Taasi waxay innaga saacideysaa in carruurteenna ay waxbarasho fiican helaan, in shacabku helo biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee asaasiga ah.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay baahida dhaqaalaha la doonayo in lagu bixiyo mashaariicda kala duwan ee horumarka caalamka, ayaa tusaale u soo qaatey iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ee Cahdiga Cusub (New Deal Compact), kaasoo qeexaya waddada iyo qaabka loo marayo dib u soo kabashada Soomaaliya, colaaadaha ka dib. Wuxuu intaas ku daray in iyadoo la tixraacayo Barnaamijkaasi, Soomaaliya loo ballan-qaaday lacag dhan laba Bilyan oo Doollar oo dhinaca horumarinta lagu bixinayo.
“Waxaan qaadnay Tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu Xaqiijinayo inaan si qaldan loo is-ticmaalin lacagaha loogu talagaley horumarka dalka ee Barnaamijkaasi uu dhigayo, iyo dib u qaabeyn lagu sameeyay hay’adaheenna Maaliyadda, innagoo filayney in beesha caalamka ay ku qanci doonto, Taageerada aan doonaynana ay inna siin doonaan, sida aan annaga u rabno, balse taasi ma dhicin. Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Cahdiga Cusub ama New Deal uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aanay weli jirin maal-gelin lagu sameynayo adeegyada aadka muhiimka inoogu ah, iyadoo ay Taasi Dheer tahay in Somalia aysan Door-weyn ku lahayn maamulka Barnaamijkaasi.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in Waddamada ka soo kabanaya colaadaha il-gaar ah lagu eego. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan intaas ku dari lahaa inay habboon tahay inaan maanka ku hayno in qaar ka mid ah Waddamada ay Colaaduhu saameeyeen aysan haysan kaabeyaasha aasaasiga ah, iyadoo weliba hay’adaha Dowliga ahna ay yihiin kuwo liita. Sidaa Awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la kor-dhiyo taageerada maaliyadeed, si isbeddelo horumar keeni kara loo abuuro.Kaalmada la siinayana waa inay ku jirtaa mid farsamo.”
Xasan Sheekh, ayaa xusay in Somalia ay si buuxda u taageersan tahay nidaamka caalamiga ee Dhismaha Kaabeyaasha ee uu Maamulayo Bangiga Adduunka, iyo Weliba Qorshaha qaaradda Afrika ee horumarinta kaabeyaasha ee la magac baxay Africa 50 Infsrastructure Fund. Waxaanu halkaas ka sheegay in nolosha dadka Soomaalida ahi ku tiirsan tahay Xawaaladaha Soomaalida, sidaa awgeed, lagu dhiirrado inaan culays la saarin shaqada Xawaaladaha.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya wuxuu ka hadlay iskaashiga dalalka soo koraya, Qaabeynta iyo Nidaaminta Xawaaladaha, iyo isagoo Caalamka Xusuusiyay muhimadda ay leedahay in laga dhabeeyo balanqaadyada ku aaddan dhanka horumarinta ee hay’adaha iyo dowladuhuba ay sameynayaan.
Sidoo kale, waxaa Shirarkaas isa-saarka ah ka hadlay Wasiirrada Maaliyadda ee dawladaha Xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD iyo dalalka kale ee caalamka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ka midka yihiin, Xogyahaya Qaramada Midoobay iyo Wakiilka Xawaaladaha ee IGAD, waxaanay dhammaantood halkaas ka sheegeen inay taageersan yihiin inaan la xayirin Xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha gudbintooda ka shaqeeya, hase-yeeshee, waxay qireen in loo baahan yahay in la sugo ammaanka si aanay wax u yeelin nidaamka ugu habboon ee ay ku sii shaqayn karaan Xawaaladuhu, isla markaana aanay cid wax dhibaataynaysaa u adeegsan lahayn Xaawaaladaha. Waxaanu Shirweynaha caalamiga ah ee horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashigu ka socon doonaa magaalada Addis Ababa illaa 16-ka bishan July ee aynu ku jirno.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment