Tuesday, July 14, 2015

“ Cali Warancade Kuma Jiro Dadka ay Wax ka Go'aan, Waxbana Nooguma Baaqi Karo”Mujaahid Boobe.

Hargeysa 14July 14, 2015 (Himilo)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu sheegay inaanay ka qayb galin doonin wadahadalo lala galo guurtida si loogu qanciyo heshiiskii Asxaabta Qaranku Wadagaleen Bishii May.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay baaqii wasiirka arimaha guduhu u diray xisbiyada mucaaridka, isagoo cadeeyay inaanu wasiir Warancade Ku jirin Xubno uu sheegay inay dalka ka taliyaan, Sidoo kale waxaa uu mujaahidku sheegay inaan loo baahnayn qof fariin sida, balse Wakhtiga doorashada la qabanayo laga sugayo madaxwayne Siilaanyo.

Boobe Yuusuf Ducaale oo warbaahinta La Hadlay maanta waxaa uu sheegay “Waxba nooguma baaqi karo, wax alaale wuxuu noogu baaqi karaana ma jiro oo Warancadde kuma jiro dadka ay wax ka go’aan ee dalkan ka taliya, markaa anagu uma baahnin cid farriimo noo soo qaadda. Arrintii muddo kordhinta iyo maalinta doorashadu waxay la taalaa madaxweynaha. Dalka laba madaxweyne kama taliyaan, dalka madaxweyne iyo guurti iyo madaxtooyo kama taliso, dadku wuxuu doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, go’aan ha ka gaadhaan”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Geesta kale Xoghaye Boobe Waxaa uu ka jawaabay hadalo shalay kasoo yeedhay xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye “Waxaanu arrintaas u aragnaa cid alliyaale cidii wax ka go’aan ee dadweynaha hortiisa imanaysa diyaar baanu u nahay, laakiin cid farriimo sidda diyaar uma nihin”Ayuu Yidhi Mujaahid Boobe.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment