Tuesday, July 14, 2015

Dooddii Baarlamaanka Somaliland Ee 6-dii April 1960: Xornimo iyo Midnimo-Q.2aad

Imikana aynu soo qaadano aragtidii xubnihii kullankaasi fadhiyey.
Philip Carel oo ahaa Chief Secretary (Madaxii Maxmiyada Somaliland) wuxuu yidhi, isagoo ka jawaabaya hadaladaasi ay xildhibaannadu halkaas ka jeediyeen “Shaki igagama jiro in dadka ku nool Somaliland doonayaan inay la midoobaan Soomaaliya. Waxaanan hubaa in dawladda Ingiriiskuna ku taageeri doonto himiladooda, laakiin bishii u dambaysay ayey dadka gashay jibbo weyn oo ay ku doonayaan inay la midoobaan Soomaaliya oo kowda bish Juuly ah, maalinta dalkaasi qaadanaayo xornimadiisa. Ilaa iyo hadda wax wada hadala oo arrintaa ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) ka wada yeesheen ma jirto, waxaana jira arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo inta aan la midoobin ka hor.
Ugu horrayn waa in labada dal ku heshiiyaan dastuur ka wada dhaxeeya. Si loo illaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiiska wadagalaya oo idil, waa in arrintan laga gaadho heshiis ka hor inta aan la midoobin. Sidoo kale waa in laga heshiiyaa, sharciyada doorashada, qaabka dawladu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dawladda iwm. Waxaas oo idil waxay u baahan yihiin in dad khubaro ah loo xilsaaro si ay u darsaan, uguna soo talo bixiyaan. Si dawlada midnimadaasi ka dhalata ay u noqoto mid ku taagan dhidibo adag,” isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yidhi;
“Arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashado waxay tahay arrinta Hawd iyo Reserve Area. Maalinta aad xornimada qaadataan ee ay midnimadu dhacdo, waxa dhammaanaya xilkii Ingiriiska ka saarnaa maxmiyada Somaliland. haatana dawladda Ingiriiska ayaa bixisa kharashka ku baxaya Hawd iyo Reserve Area. Haddii aad heshiis cusub laga gaadho hawlaha halkaas ka socda oo dhan ayaa joogsanaya, taasoo ah in heshiiskaas Itoobiya lala galay 1954kii uu noqonaayo mid dhammaaday.
Inkastoo, heshiiskaasi aan ogahay inaydaan jeclayn, haddana dadka reer Somaliland ayuu u suurta gelinaya maamul xuquuqdooda illaaliya inuu halkaas joogo, marka ay u tallaabaan dhinaca hawdka. Haddii aan heshiis cusub lala gelin Itoobiya waxa meesha ka baxaya maamulkii illaalinaayey xuquuqda dalkaas. Illaalada halkaas joogta oo dhan ayaa loo raraya dhinaca Somaliland, mana jiri doonto cid kala illaalisa beelaha haddii diriri ka dhex aloosanto. Mana helayaan taageero waxbarasho iyo mid caafimaad toona.”
Ugu dambayntii Badhasaabkii oo la odhan jiray Douglas Hall waxa uu jeediyey khudbad dheer, waxaana ka mid ahayd hadaladiisii; “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbin doona sida dadka reer Somaliland u doonayaan xornimo iyo midnimo. Hase ahaatee, waxa idin saaran xil weyn oo ah inaad gudataan waajibaadka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay oo ah inaad ka illaalisaan dhibaatooyinka ay ku keeni karto midnimo aan la soo dhamaystirin hawlihii lagama maarmaanka u ahaa oo si fudud oo degdega loo galay,” wuxuuna ku soo gunnaanaday hadalkiisa; “Waxaan idin kula dardaarmayaa khatar ha gelinina mustaqbalka dadka dalka Somaliland.”
Fikrada labaadna waxa rumaysnaa xubnaha Ingiriiska oo ku soo doodaayey in ka hor intaan lala midoobin Soomaaliya, laga wada hadlo, laguna heshiiyo qaabka midnimada labada dal noqonayso, iyadoo midnimada ka hor loo baahan yahay in la sii lafo guro, lana derso, hawlaha labada dal ku kala duwan yihiin, arrimahaasina loo soo saaro khubar ka soo talo bixiya, kadibna laga gaadho heshiis labada dhinac oggol yihiin.
Waxa kale oo ay rumaysnaayeen in labada dhinac mid waliba gooni ahaanteed ay marka hore u noqoto dawlad madaxbannaan, kadibna labada dawladood ka wada hadlaan arrimaha midnimada, heshiis la isla ogol yahayna ka gaadhaan.
Nuxurkii Qodobadii Doodda
Doodii Golaha Sharci-dejinta Somaliland ee 6 April, 1960kii waxay ku dhammaatay go’aan goluhu soo saaray oo sida tan:
“Wuxuu golahan go’aansaday in tallaabooyin muuqda laga qaado sidii ay u midoobi lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya; waxaana lagama maarmaan ah in lagu dhaqaaqo hawlihii suurtogalin lahaa himiladan la higsanayo ee ka muuqata shucuurta dadweynaha ku nool dalka Somaliland oo u heelan inay u gaadhaan sida ugu dakhsaha badan. Sidaa awgeed, waa in laga qaado tallaabo caddaan ah oo geesinimo leh. Waa in taariikhda maalinta madaxbannaanida dalkani noqoto 1 Juuly maalinta Soomaaliya xornimada qaadnayso si isla maalintaas ay u midoobaan labada dal.”
Dheg-jalaq looma siin taladii ay soo jeediyeen madaxdii Ingiriisku, waayo waa laga aamin baxay, ka dib markii ay dhulka RESERVE AREA iyo Hawd ku wareejiyeen dawlada Itoobiya, ayna jabiyeen heshiiskii ay la galeen odayaasha Somaliland (Heshiiskii Saamaha). Waxaana muuqata in muddo laba bilood ka yar ka hadhsanayd xilliga la doonaayey in lala midoobo dalka Soomaliya, iyadoo aan haddana wali lagala hadlin arrinta midnimada madaxdii ka talinaysay dalka Soomaliya ee la doonaayey in lala midoobo.Hase ahaatee, wuxuu go’aankani soo dhiirigeliyey in Somaliland u horseedo dabadana ka riixdo sidii ay u midoobi lahaayeen labada dal.Toban cisho kadib 16 April ayuu wefti ka kooban afartii wasiir ee Somaliland u ambobaxeen muqdisho si ay xukuumadda Soomaaliya uga wadahadlaan mindimada labada dal.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland.
calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac: Taariikhda Maantu, waa siyaasadii Shalay……Maxamed Cabdi Ismaaciil “Diktoork” (2013). Wuxuu soo xiganayaa xafiiska kaydiya qoraalada taariikhiga ah ee Ingiriiska “Public Record Office”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment