Hargeysa, 14 July, 2015-(Himilo)- Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Wax-garadka Beesha uu ka soo jeeday Marxuum Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo bishii hore lagu dilay Muqdisho, kaasoo lagu helay sida la sheegay inay fuliyeen dilkiisa Askar ka tirsan Ciidammada illaalada Madaxtooyada Soomaaliya, sidaa awgeedna lagu eedeeyey inay dilkiisa ka dambaysay dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku hanjabay haddii aanay dawladda oo Madaxweyne Xasan ugu horreeyaa Caddaaladda hor-keenin ciddii ka dambaysay dilka Marxuumka, inay Beel ahaan yaqaannaan sida loo aarsado oo ay u aar-gudi doonaan Marxuum Yuusuf Dirir.
Waxay Madax-dhaqameedka Beeshaas oo shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay ugu horreyn ka hadlay Xasan Dirir Cabdi oo goobta ka hadlay, ayaa yidhi; “Muu ahayn nin uu Baarlamaankaas u geeyey hunguri iyo mushahaaro, waxa uu ahaa nin u galay halgankaas uu muddada dheer soo galay ee Soomaali-nimadda ah doonaayay inuu ka biyo dhiijiyo. Baarlamaanka Soomaaliyana waxaan leeyahay waar nin dhirbaaxo quudheed qarsaday dhaqayadeed maalye Carruurtaaday dhaxal u tahay Xaajadaad dhabarka saartaa.”
Suldaan Rashiid Suldaan Cali Ducaale, ayaa caddeeyay in aanay ka samrayn dilka Yuusuf Dirir cidday u haystaanna ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Nasiib-darradu waxay tahay naftu way dhimanaysaa wakhtigeeda, laakiin waxa weeye halgamaaga wayn ee Yuusuf Cabadi Dirir (Illaahay) Muxuu sabab uga soo dhigay, Sabab wax uu uga soo dhigay Isagoo Soomaalinimo u tegay Xamar in dawladdii halkaas ka dhisnayd ee Soomaalida Xamar ama Madaxwaynaha Xamar uu Madaxda ka yahay Shirqool ay soo dhigtay oo gurigiisa ah oo qoriga lagu dilay meesha laga soo qaaday gaadhiga dhibaatada geystay ee isaga iyo ciddii la socotayba dilay ee Ciidammadda isku sheegayay maalintaas illaa maanta ay dilista geysteen halkay ku xeroodaan wax ay noqotay Madaxtooyada.”
“Markii danbana meesha ay arritnu fadhiisatay waa Madaxtooyada Muqdisho, Illaahay Soomaalida waxba uma kala qarin Soomaalidu waxay isu dhiibta waa war waxa ay ku sheekaysata waa war, Warka Xogo-gaalka ah ee aannu haynaa waxa weeye annagu cid kale oo aannu u daba fadhinaa ma jirto, waxaan caddaynaynaa, Markhaatigii waannu haynaa, arrimo goob-jooga ayaannu haynaa, ciddii ku furaysay baannu haynaa, Madaxtooyada Soomaaliya ee Nin ka Xasan Sheekh Maxamuud la yidhaahdaa Madaxwaynaha ka yahay iyo Ehelkiisa ayey arrintii fadhidaa, Nin kii Soomaalinimo doonayey ee Xamar u socdayoow ku quuso Yuusuf Dirir.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Rashiid.
Sidoo kale, Suldaan Cali Yuusuf, ayaa isna ku adkeeyey Madaxwaynaha Soomaaliya in uu Caddaaladda hor-keeno ciddii falkaas geysatay, waxaanu yidhi; “Arrinkaas horena waan uga hadlay mar labaadna waannu ka hadlaynaa waxaan leeyahay Madaxwaynaha Soomaaliya arrinkaasi adiga ayuu ku dul yaallaa sidii aad Ceebtaas isaga Meeydhi lahayd aday kuu taal, Taariikh madoow ayaad galaysaa, Hindisihii aad lahayd Soomaali ayaan isu keenayaana Isu maad keenin ee waad kala rartay waxaanu leenahay dadka reer Waqooyiga ah ee Xamar mushahaarooyinka ku qaata taas Yuusuf Dirir ayaa idin hurran farriinta aanu idin leenahayna waa meeshaas iskaga soo baxa.”
“Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo inankii uu Adeerka u ahaa ee lagu dilay magaaladda Muqdisho la yidhaahdo oo aannu ognahay cidda dishay reernimo iyo dawladnimoba cidda dishay cidda ay yihiin reernimana aannu u garanayno Madaxtooyadana aannu u garanayno oo ninkaas Xasan Sheekh Maxamuud geeridu gurigiisa ayay ahayd.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Cabdi Af-Yare oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka shirkaas Jaraa’id ka hadlay.
Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo ka hadlay arrintan dilka Walaalkii Marxuum Yuusuf Dirir, ayaa yidhi; “Horta, go’aanka Odayaashu waa sidaas waanan ku raacsannahay Qoys ahaan intaa waxa keliya ee aan raacinayaana waxay tahay dilka Yuusuf Dirir Cabdi wuxuu ahaa Shirqool uu geystay Madaxweynaha Soomaaliya markii dilka ay geysteenna waxay nimankaasi ku noqdeen Madaxtoooyada, markii Baarlamaanka Soomaaliya kiiska ku caddeeyayna waa la soo xidhay, haddana Baarlamaankii markii uu fasaxa galay waxa dib u soo daayey oo Madaxtooyada ku celiyey nimankii. Haddaba, waxaannu leenahay dilkaa haddaan nimankii geystay Caddaaladda la hor-keenin kama samrayno, cidda aannu u raacaynaana nagama qarsoona ee waannu garanaynaa, waanay noo caddahay oo waa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment