Monday, July 13, 2015

“Ina Riyo-raac ma Isagaa Ka Hadli kara Wikilieks, 2011kii Waxaa uu ahaa Wasiiru Dawlaha Arimaha Madaxtooyada Ee Dawladii Sh.Shariif”Xoghayaha Guud Ee Kulmiye

Hargeysa 13July 13, 2015(Himilo)-Xisbiga Kulmiye ayaa si kulul uga jawaabay eeddo maalmihii ugu dambeeyay uga imanayay xisbiyada mucaaridka Somaliland.

Xoghayaha guud ee Kulmiye ayaa sheegay inaanay eedaha mucaaridka waxba ka jirin isagoo sidoo kale cadeeyay in Muuse Biixi Cabdi yahay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye , hadal hore uga soo yeedhay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ee ahaa inuu Muuse Biixi soo xoqayo nabaradii ay ka tageen dagaaladii sokeeyana waxaa uu ku tilmaamay inaanu u hadal sidii gudoomiye xisbi balse uu u hadlay sida dumarka iyo caruurta.

Xoghayaha oo maanta Warbaahinta kula hadlayay Xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargeysa Ayaa Sheegay “Saaxiibkay Jamaal anigoon ku talax tagin waxaan leeyahay dhaqaalahayahanka wanaagsani waxaa uu noqon karaa siyaasi wanaagsan taasaana lagaa filayay ee maxaa si noqday. Axmed Muumin Seed anagu ma dafirsanin waa gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ama ha xumaado ama ha wanaagsanaado, Anagu Aflagaadaynmayno shakhsiyadiisa iyo masuuliyada uu hayo, laakiin qofkaasi waxaa uu yahay, waxaa lagu qiimaynaya waxaa uu ku hadlay, Sidii Dumarka iyo caruurta ayuu iskaga hadlay”Ayuu Yidhi Xogahaye Xasan Siciid.

Xoghayuhu Waxaa uu dhaliilay Xubno ka tirsan xisbiga Waddani oo uu sheegay inay la shaqayn jireen dawlada Federaalka ee Sh.Shariif Sh.Axmed “ Ina Riyoraac marka laga hadlayo Wikilieks ee 2011kii ee laga hadlayo dawladii somaliya ayuu ku jiray, Dawladii Sh.Shariif ayuu ahaa Wasiiru dawlaha arimaha Madaxtooyada,Markaa ina Riyoraac inuu imika hadlo maahee ha is qariyo oo xiliga ay u bisishahay ha hadlo” Ayuu Yidhi Xasan Siciid.

Xoghayuhu waxaa uu cadeeyay in xisbiga Kulmiye aanu ka bixin heshiiskii asxaabta qaranka balse ay wadaan qorshihii loogu qancin lahaa golaha guurtida Somaliland.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment