Monday, July 13, 2015

“Cali Warancadow Waxaa Ku Saameeyay Libaaxyada Xeradaada Ku Jira, EeHanjabadii Aad Ka Hanjabaysay Madaxtooyada Haka Noqon”Xoghayaha Arimaha Bulshada X,Ucid

Hargeysa 13July 13, 2015 (Himilo)-Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa ka jawaabay hadal digniina oo wasiirka arimaha guduhu u diray xisbiyada mucaaridka oo ahaa inaan dalka laga qaban Karin shir qarameed ay hore ugu baaqeen xisbiyada Waddani iyo Ucid.

Xoghayaha arimaha bulshada xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Axmed Cali oo arintan ka hadlaya ayaa tilmaamay inaan hanjaabada wasiir arimaha guduhu wax saamayn ah ku yeelan doonin xisbiyada muucaaridka oo ay u danaynayaan shacabka.


“hanjaabaada mucaaridku maaha mid aad mucaaridka ugu hanjabaysaan ee waxaad u hanjabaysaa Shacabka, Awooda iyo cida aanu ilaalinaynaa maaha xisbiyadayada ee waa shacabka, Wasiir waxaanu ku leenahay adigu ma qaabil sanid siyaasad ee waxaad qaabilsan tahay Hanjabaada, Libaaxyadaada xerada kuugu jira ayaa ku saameeyay ee hanjabaadii aad ku hanjabaysay markii xukuumada aad la gashay shirkii jaraa’id ee heshiiska xisbiyada lagaga hadlayay kujoog oo haka noqon” Ayuu Yidhi Xoghayaha Arimaha Bulshada X.Ucid.


Geesta Kale waxaa uu xoghayuhu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo loo jeediyay musharaxa madaxwayne ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment