Garowe, 11 July, 2015 (Himilo)- Khilaaf hore leh ayaa ka dhex-qarxay, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ee dalkaas, kaas qayb ka ah is-maandhaaf ka taagan hab-wadaagga saamiga hay’adaha dalkaasi Soomaaliya, waxaanay xiisad bannaanka soo dhigay go’aan shalay ka soo baxay madaxtooyada Garoowe oo degaannadooda ka mabnuucday inay ka hawl-galaan siyaasiyiin ka tirsan dowladda Muqdisho.
Sida uu shalay shaaciyey afhayeen u hadlay madaxtooyada Puntland, waxa deegaannada maamulkaas hoos-taga laga mabnuucay inay ka hawl-galaan laba guddi oo dhawaan Baarlamaanka Somaaliya ansixiyey kuwaas oo shaqadoodu tahay Jaangoynta Xuduudaha u dhexeeya maamul-goboleedyada io doorashooyinka lagu wado inay dalkaas ka dhacdo sannadka 2016-ka.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Cabdulaahi Xaashi Quraanjecel oo warfidiyeennada la hadlay shalay, waxa uu sheegay in go’aan ka soo baxay golaha wasiirrada Puntland lagu gaadhay inaanay guddiyadaasi marnaba ka hawl-gali doonin deegaamada maamulkooda uu ka taliyo.
“Qodobo dhawr ah ayaa kulanka lagaga hadlay amnigaba ha ugu badnaadee, labada guddi kama howlgali karaan gudaha Puntland horena waan kaga soo horjeednay, waxaan u diidnay dowlada waxay garab martay qodob dastuurka ka mid ah oo dhigaya in guddiyada heer federaalka lagala tashado maamul goboleedyada,”sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.
Kulankii Golaha wasiirada waxaa ka horeeyay kulan Baarlamaanka Puntland ay ku sheegeen iney kaga tashanayaan aayaha deegaanada Puntland, islamarkaana kaga go’ayaan kasii mid ahaanshaha nidaamka Federaalka Soomaaliya, iyadoo xiisaddani sii xoogaysatay intii lagu gudo-jiray dhismaha maamulka gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo xuduud la wadaaga maamulkaas.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ku eedeeyey inuu colaad ka dhex-hurinayo shacabka ku dhaqan gobolka Mudug ee Soomaaliya.
Cabdi Qaybdiid oo hadal ka jeedinayey munaasabad lagu sagootinayay oo ka dhacday Koofurta Galkacyo, waxa uu ugu baaqay Puntland inay joojiyaan shacabka la kicinayo iyo dagaalka la abaabulayo sida uu sheegay. “Waxaa rabaa inaan ugu baaqo walaalaheena reer Puntland inay ka gaabsadaan yacni dacaayadda iyo shacabka la kicinaya oo dagaalka lagu abaabulayo, hogaanka qaldan ee Cabdiwali Gaas ee dadka lagu kicinayo in la rabo in dagaal lagu geliyo.
Hadalka uu kaga dhawaajiyey Cabdi Qaybdiid, ayaa la xidhiidha muran xagga xuduudaha ah oo u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland, taas oo ah ujeeddada maamul-goboleedka Puntland u qaaddacay Guddiga Xuduudaha maamulgoboleedyada Soomaaliya.
Cabdi Qaybdiid oo muddo soo hayay xilka madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, ayaa la filayaa inuu dhawaan ku wareejiyo xilka madaxweynaha dhowaan la doortay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hore u ahaa wasiirka amniga ee xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment