Saturday, July 11, 2015

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo Shil-baabuur ku galay deegaanka Libaaxley.

Burco, 11 July, 2015 (Himilo)- Wefti ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Siciid Warsame iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga xildhibaan Maxamed Baaruud Shide, ayaa shalay shil-baabuur ku galay deegaanka Libaaxley oo qiyaastii masaafo 50KM dhinaca Woqooyi kaga beegan degamada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga xildhibaan Siciid iyo xildhibaan Maxamed Baaruud, ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaadheen shilkaas baabuur, balse ma jirto cid kale oo khasaare ka soo gaadhay, marka laga reebo baabuurka ay saarnaayeen oo noociisu ahaa Toyota Lancruiser oo burbur xooggan soo gaadhay.
Weftiga Xildhibaannada waxa xubno ka ahaa oo safarka ku wehelinayey Xoghayaha Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga, Askari Ilaalo ah iyo Sarkaal ka tirsan hay’adda SOLPAS, waxaanay xilliga shilku ku dhacay ku soo jeedeen magaalada Burco kaddib markii ay soo dhammaysteen oo ay ku tageen deegaanka Dhagax-dheer oo ka tirsan degmada Balli-dhiig oo ku taalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Xildhibaan Maxamed Baaruud Shide oo isagoo ku sugan magaalada Burco khadka telefonka kula hadlay weriye ka tirsan Himilo, ayaa noo sheegay in isaga iyo xildhibaanka kaleba ay caafimaad qabaan, balse isaga waxoogaa jug ah oo aaan cuslayni soo gaadhay, isla markaana aanay jirin cid kale oo wax ku noqotay shilka, dhammaantoodna ay nabad-qab ku soo gaadheen magaalada Burco.
Ujeeddada Socdaalka hoggaanka Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada iyo Sarkaal haya’dda SOLPAS, ayaa ahayd mid ay ugu kuur-galayeen Mashaariic laga fuliyey deegaankaas oo ku saabsan Horumarinta xidhiidhka iyo isu-socodka Dadka Reer Guuraaga ah ee ku nool deegaannada Xuduudka.
Weftiga labada xildhibaan oo socdaalkooda maalmihii u dambeeyey ku marayey gobollada Awdal, Togdheer iyo Saaxil, ayaa la filayaa inay maanta soo gaadhaan magaalada Hargeysa.




Himilomedia/Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment