Hargeysa, 09 July, 2015-(Himilo):- “Anigu waxaan ahay nin reer Somaliland ah, oo Muslim ah, Shuruudihii looga baahnaana wada buuxiyey. Waxay ila tahay….” “…Waxay ila tahay inuu soo dhaw yahay wakhtigii aan ka tegayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Goluhu Xeer-hoosaad buu leeyahay, anigu markaan Kursiga banneeyo Golahaa xaq u leh…”
“Cadaw waxaad ka dhigato adiga ayaa kuu ah. Cadawgeenna koowaad waxaan isleeyahay waxaad ka fikirayso inaanu ahayn ee uu yahay….” Waraysi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu soo dhawaaday wakhtigii uu ka tegi lahaa ama bannayn lahaa Kursiga Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, maaddaama oo xilligan lagu jiro haddii la helo diyaarinta hannaan doorasho.
Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo waraysi dheer uu la yeeshay Weriye Maxamed-amiin Jibriil, ayaa ka jawaabay su’aalo tiro badan oo uu Suxufigu weydiiyey, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen maaddaama oo uu Dastuurka Somaliland dhigayo qofka dalka Hoggaamiye ka noqonayaa inuu yahay Muwaaddin haysta Diinta Islaamka, gaar ahaan Mahdabta Shaaficiya, isagu tau u ku dhaqmo, waxa u qorshaysan hadduu Madaxweyne noqdo inuu dalka ka qabto, tirada dhalinyarada sannadkii dalka ka tahriibta, cadawga koowaad ee Somaliland iyo kuwo kale oo kala duwan.
Guddoomiye Cirro waxa la weydiiyey in Xisbiyada Somaliland lagu xanto in Qabiilka Guddoomiyuhu ka soo jeedo u janjeedho ama u muuqdo in reer kaasi leeyahay, sidaa awgeed, waxa ay tahay saamaynta ay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ku leeyihiin reer ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Horta, innagu dimuquraaddi iyo …. Midna ma nihin, Mushtamaceennuna waa Mushtamac koraya. Markii masalan markii la xadaynayey Axsaabta waa laga dhigi karayey boqol Xisbi, laakiin waxaan looga dhigini waxa weeye in ummaddu saddexda Xisbi isugu timaaddo.”
“Laakiin, waxaan isleeyahay ummaddu maanta halkaas way ka kortay, Axsaabta way ku kala biirtay, deegaan kasta waa laga helayaa Xisbi kasta. Markaa, saddexda Xisbi midna waa reer ma odhan karno. Laakiin, Mushtamacu waxa laga yaabaa halkaad ka doonayso inaanu weli gaadhin. Waxa laga yaabaa Xisbiga iska daayoo ninka meel ka madax ah in la yidhaahdo xil reer hebel. Waxaan isleeyahay Mushtamacu wuu korayaa, Asxaabtana jiritaankooda Sharciga ah ay aqbali doonto.” Sidaa ayuu yidhi Md. Cirro oo sii watay jawaabta uu su’aashaas kor lagu weydiiyey ka bixiyey.
Mar uu ka jawaabayey Cirro awoodda uu isagu Guddoomiye ahaan ku leeyahay Xisbiga WADDANI, waxa uu yidhi; “Anigu Xisbiga waxaan ka ahay uun shaqsi, hoggaan baan ka ahay, immika anigaa ah, berrina mid kale ayaa iman doona. Markaa, hannaan dimuquraaddi ah buu ku dhisan yahay Xisbigu.”
Sidoo kale, Cirro oo la weydiiyey inuu isleeyahay marka Shirweynaha Xisbiga WADDANI la qabto iska wareeji Guddoomiye-nimada oo Musharraxa Madaxweynaha uu u tartamo, waxa uu ku jawaabay; “Kollay hawlahaasi waa hawlo Xisbiga u gaar ah, hanka qofka ayey ku xidhan tahay inuu is-sharraxo iyo inuu ka tanaasulo, laakiin way u furan tahay qof kasta oo Xisbiga ka mid ah inuu Guddoomiye-na noqdo, Madaxda kale ee Xisbigana ka mid noqdo.”
Waxaa la weydiiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro maaddaama oo uu Dastuurka Somaliland dhigayo in qofka hoggaamiye ka noqonaya dalka uu yahay qof Muslim ah, isla markaana haysta Mahdabta Shaafiya, markaa Cirro ahaan Mahdabta uu ku dhaqmaa ta ay tahay, waxa uu ku jawaabay; “Anigu waxaan ahay nin reer Somaliland ah, oo Muslim ah, Shuruudihii looga baahnaana wada buuxiyey. Waxay ila tahay qofku Mahdabta uu doono wuu dooran karaa, maaddaama oo aanu Islaamka ka baxayn. Laakiin, anigu intaas baan jecelahay inaan kaaga baxo.”
Mar uu ka jawaabayey waxa uu u malaynayo in waddanka Somaliland cadawga koowaad uu u yahay, waxaanu ku jawaabay; “Cadaw waxaad ka dhigato adiga ayaa kuu ah. Cadawgeenna koowaad waxaan isleeyahay waxaad ka fikirayso inaanu ahayn ee uu yahay Shaqo-la’aanta, Faqriga, Saboolnimada iyo ayaan isleeyahay waa Cadawga koowaad ee Somaliland.”
Sidoo kale, Cirro oo la sii weydiiyey waxa uu u arko inay khatarta koowaad ku ah nabadgelyada Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Intaasiba khatar bay ku tahay, waxa laga yaabaa inaad waddan ka fikirayso ama qof ka fikirayso. Laakiin, waxaan isleeyahay marka uu qofku nolosha ka quusto ee uu rejo-beelo wuu Tahriibayaa ama rabshad buu samaynayaa ama Suuquu istaagayaa oo dadkuu boobayaa. Markaa, waxa laga yaabaa aragtida aan qabo Cadawgu waxa weeyaan fakhriga, shaqo la’aanta iyo baahida faraha badan in la yareeyo.”
Qiyaasta uu Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro isleeyahay tirada Dhalinyarada Reer Somaliland ee labadii sannadood ee u dambeeyey dalka ka tahriibtay, oo la weydiiyey, waxa uu kaga jawaabay; “Waxa laga yaabaa qiyaas ahaan inaad tiro hayso, laakiin anigu waxaan isleeyahay sannadkii laba kun illaa shan kun inay dalka ka tahriibto.”
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro waxa wax laga weydiiyey haddii uu Madaxweyne Somaliland ka noqdo waxyaabaha uu wax ka qaban doono, waxaanu sheegay inuu wax badan ka qaban doono dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, sida Caafimaadka oo uu sheegay in iyadoo laga duulayo hadba awoodda dhaqaale ee markaa jirta qof kastaa xaq u leeyahay inuu helo caafimaad, taasna uu ku dedaali doono, Biyaha, Waxbarashada, horumarinta iyo adkaynta nabadgelyada iyo tayeynta Ciidammada kala duwan ee Qaranka. Sidoo kale inay xoogga saari doonaan shaqo abuurka, horumarinta Dhalinyarada, Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, kordhinta Mushahaarooyinka Ciidammada iyo Shaqaalaha dawladda iyo la-dagaallanka Sicir-bararka, Musuqmaasuqa, Caddaalad-darrada iyo wixii la mid ah.
Gunaanadkii waxa Cabdiraxmaan-Cirro waraysigan lagu weydiiyey inuu qabo aragti ah inay habboon tahay inuu xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada banneeyo maaddaama oo uu yahay Guddoomiye Xisbi Mucaarad ah, isla markaana dhalliilo badan loogu jeediyo labada xil ee uu isku haysto iyo hadduu banneeyo cidda u qorshaysan Shaqsi ahaan iyo Xisbi ahaan inay isaga beddesho.
Waxaanu ku jawaabay; “Kollay Siyaasiga in la dhalliilo waa iska caadi, wax walibana waxay ku salaysan yihiin Sharci, Kursigayga Guddoomiyaha Xisbigu waxa uu leeyahay muddo-xileed, ka Golaha Wakiilladuna wuxu leeyahay muddo-xileed, doorashadii ayaa lagu jiraa hannaankeedii haddii la helo doorasho. Markaa, waxay ila tahay inuu soo dhaw yahay wakhtigii aan ka tegayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Goluhu Xeer-hoosaad buu leeyahay, anigu markaan Kursiga banneeyo Golahaa xaq u leh cidda uu ka dhiganayo, Xisbigayaga ha noqdo ama Xisbi kale ha noqdo ee waa la wada-tartamayaa, markaa ninkii ku soo baxa ayuun baynu eegaynaa.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment