Thursday, July 9, 2015

Raiisal Wasaarihii Hore Uganda Oo La Xidhay.

Kampala July 9, 2015 (Himilo)-Raiisul wasaarihii hore ee dalka Ugandha, Amama Mbabazi ayaa la xidhay, waxaana lagu hayaa deegaanka Njeru ee bartamaha dalkaasi.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in loosoo kaxeynayo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.

Mr Mbabazi ayaa hore waxaa looga digay inuu qabto isu soo baxyo uu ku muujinaayo rabitaankiisa inuu qabto xilka madaxweynaha dalka Ugandha.

Lataliyaha gaarka ah ee Mr Mbabazi, ayaa xaqiijiyay xadhigiisa.Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa muddo hayo xilka madaxtinimo, laakiin Mr Mbabazi ayaa tilmaamay inuu doonaayo inuu Musaveni bedelo.

Himilomedia/Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment