Saturday, July 11, 2015

Safiirka Somaliland U Fadhiya Imaaraadka Carabta Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyay.

Hargeysa 11 July 2015 (Himilo Media)-Safiirka dhawaan loo magacaabay dawlada Isutaga imaaraadka carabta Mudane Baashe Cawil Cumar ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,ka dib safar uu dibada ugu maqnaa.
Safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa kusoo dhaweeyay wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada,xoghayaha khaaska ah ee madaxwaynaha iyo masuuliyiin kale oo katirsan xukuumada.

Baashe Cawil Cumar safiirka imaaraad ee Somaliland ayaa madaxwaynaha Somaliland uga mahadceliyay xilka uu u magacaabay “Waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu xilkan ii magacaabay,waxaa kale oo aan jeclahay inaan iyagana u mahad celiyo intii kale ee igu boorisay,oo uu kow ka yahay Maxamed biixi Yoonis Wasiirka khaarijiga”Ayuu Yidhi Safiirka Imaradka Ee Somaliland.
Sidoo kale,Safiirka imaaraadka ee Somaliland waxaa uu ka hadlay culayska uu leeyahay xilka loo magacaabay iyo cilaaqaadka ka dhexeeya dawladaha imaraadka iyo Somaliland “Xilkasta oo la magacaabaa culayskiisa ayuu leeyahay,xilkan safiirka imaaraadka carabtuna maaha xil yar,kolay xil culayskiisa yeelan doona ayuu noqon doonaa, dalka imaaraadka carabtuna waa dal aynu xidhiidh wacan leenahay,Dadaaalka xukuumadani samaysaynaa waa taa maanta midhihiisii aynu guranayno ee xafiiskii Somaliland laga furay dalka isutaga imaaraadka carabta”Ayuu Yidhi Baashe Cawil Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabtu .

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment