Saturday, July 11, 2015

Waa maadays guurtidu gudoomiyuuna wuu metelayaaa.

dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo. dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego. daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto. Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee kaalay bal dhegayso.

Dhaqane:Waa maadays guurtidu gudoomiyuuna wuu metelayaa.

Dhaashane:Guurtidu shacrigay ilaalinayaan adeer.

Dhaqane:Horta iyagu sharci ma ku fadhiyaan baa ka horaysee .Waxan ku waydiiyey :Maxaa haldoorkii Somaliland ee mucaaridka ahaa ku dhacay?Kolba nin uunbaa dhakhtarka loola cararayaa.Ma sun aan la arkayn baa qaybinaysaan?Haldoor Barkhad baa u dambeeyey.Ilaa suldaankii guud baa dirqi ku kacay .waar sunta dadka ka daaya.

Dhaashane:Dee waxaagi habaar buu gaadhee.Waar anaga ilaa Muj muse biixi baa markuu doono nagu tufoo,hadana cidna ma sharaysano.

Dhaqane:waar kaa naanayso badan bay u bixiyeene .Muse shani iyo madaxweynaa dadka soo dhalan doona iyo …

Dhaashane:Maanta wixii ka dambeeya sarajoogaynu ku wada hadlaynaa.Wasiir waran cade ayaanu idinku sii daynaynaa.In badan baanu idinka haynee.Labadiina xusbiba waa isu badheedhaynaa adeer.

Dhaqane:Wuxuu yidhi abwaanAaakhiru sabaan. Dhancadow libaax iyo shabeel soo dhabacanaaya Ninka yidhi,faruurtaan ku dhegi waa ila dhalanteed (waa Waddani). Dhiiranow Abees iyo maskoo Dhinacyadaa jiifa ninka yidhi. Dhabtaydaan ku qaban waa ila dhalanteed (waa Ucid).



Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden Sweden

No comments:

Post a Comment