Amsterdam 13 July 2015 (Himilo)Dawladda Soomaaliya ayaa si rasmi ugu Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee Hague, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xidhiidhta muran dhinaca soohdinta badda.
Wafdiga dawladda Soomaaliya ee dacwadda gudbinayay waxa hoggaaminayay, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ay la socdeen qareenno caalami ah oo u doodaya Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha Ayaa saaka gaadhay magaalo madaxda Holand si uu dacwadan ugu gudbiyo maxkamad danbiyada caalimiga ah ee Hague.
Wali war rasmi ahi kama soo bixin dawlada somaliya iyo waftiga uu hogaaminayo xeer ilaaliyuhu oo ku sugan xarunta maxkamada caalamiga ee Hague.
Muranka xuduudka bada ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku kala dhex jiray dawlada Kenya iyo somaliya.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment