Sunday, July 12, 2015

Taliyaha Fadal oo sharraxay Isbeddel xilliyadan ku yimi Hawl-gallo Ciidamada Booliska.

Hargeysa, 12 July, 2015 (Himilo)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shalay kormeer ku sameeyay hanaanka ay ciidanku u sugayaan amaanka suuqayada caasimada Hargeysa oo ay shacbigu ugu diyaar garoobayaan munaasibadda Ciidul fidriga.
Taliye Cabdilaahi Fadal oo warbaahinta la hadlay, waxa kale oo sheegay in wakhtiyada ciidda ay ciidanka Booliska heegan ka galaan gobollada dalka si ay u sugaan nabadgelyada. Waxa kale oo taliyuhu ka hadlay kormeer habeennadii u dambeeyey isaga iyo saraakiisha Boolisku ku mareen Jidadka Caaasimadaha xilliyada habeenkii.
“Bisha barkaysnayad ee Ramadaan ayaa gabo-gabo ah, waxaan halkan ka salaamayaa dhammaan Ummadda islaamka ah gaar ahaan shacbiga reer Somaliland, waxa kale oo aan si gaar ah u salaamayaa ciidanka Booliska oo wakhtiyadan oo kale gala hawlo adag. Ciidanka Booliska oo suuqa weyn ee Hargeysa ku jira ayaan kormeernay aniga iyo saraakiisha ila socotay oo maalinba maalinta ka dambaysa ayaa marka ciiduhu ay soo dhaw yihiin suuqyadu cidhiidhi iyo mashquul noqdaan,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Fadal.
Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ciidanka Booliska qaybihiisa kala duwan ee caasimadda iyo dhammaan gobolladu waxay galaan heegan iyo gaaf-wareeg iyo ilaalinta dadka ciidaha u diyaargaroobaya, markaa hawlahayagii caadiga ahaa ayaanu qabsanaynay, ILAAHAYNA waxaan innooga rajaynayaa guul weyn inuu innagu gaadhsiiyo ciida iyo nabad qab.”


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment