Sunday, July 12, 2015

Dad Cadhaysan oo weeraray Raysal-wasaaraha Serbia oo ka qaybgalay Xuska 20-guurada Xasuuqii Bosniyiinta.

Srebrenica, 12 July, 2015 (Himilo)- Dad cadhaysan oo Bosnian ah, ayaa Dhagaxan iyo Quraarado ku weeraray Raysal-wasaaraha waddanka Serbia Aleksander Vucic, mar uu Sabtidii shalay ka qaybgalay Munaasibad lagu xusayey Xasuuqii Cadawtinnimada ahaa ee lagu gumaaday Muslimiintii Bosnia oo labaatan-guurada ka soo wareegtay isla shalay la xusay, weerarkaas oo uu ku kasbaday Raysal-wasaaruhu diidmadiisa ah inaanu Xasuuq u aqoonsanayn dilkaas.
Quraarado (Dhallooyin), ayaa lagu tuuray waana la aflagaaddeeyay markii uu meesha iskaga baxay, halkaasi oo ahayd Qubuuro lagu duugay (Xabaalo lagu aasay) Boqol iyo Soddon iyo lix qof (136) oo dhawaan la aqoonsaday Meydadkooda. Waxaana Raysal-wasaaraha dhagax lagaga dhuftay Madaxa.
Qiyaas ahaan illaa Siddeed Kun oo Wiilal yaryar iyo Rag Muslimiin Bosnian ah, ayaa Ciidammada Serbia ay ku dileen dagaalkii Cadawtinnimada ahaa ee burburiyay dalkii Yugoslavia sannadkii 1995-kii. Kaasoo dadka Bosnian-ka ah si Isir-gumaad ah loogu laayey.
Mr. Vucic, ayaa mar sii horreysay waxa uu soo saaray Warbixin uu ku cambaareynayo dilkaas oo uu ku tilmaamay inuu mid bahalnimo ahaa, balse waxa uu diiday inuu isticmaalo Erayga Xasuuq. Waxaa sidoo kale, in dilkaa loogu yeedho Xasuuq ka soo hor-jeesatay dawladda ka talisa waddanka Ruushka.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, oo jooga Srebrenica, ayaa ku tilmaamay joogitaanka Mr Vucic uu joogay Munaasabadda tallaabo dhinaca dib-u-heshiisiinta loo qaaday, oo soo dhawayn karta in la helo isu soodhawaansho iyo xal siyaasadeed oo uu xusay in laga gaadhi karo qaddiyaddaas.




Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment