Baashe Cawil oo shalay si diirran loogu soo dhaweeyey Hargeysa
Hargeysa, 12 July, 2015 (Himilo)- Wakiilka cusub ee dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inuu Somaliland u fadhiyo waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Cumar, ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka soo laabtay waddanka Imaaraadka oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa.
Danjire Baashe waxa madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ku qaabilay masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo dadweyne tiro-badan, waxaana munaasibad kooban oo soo-dhaweyntisa loogu qabtay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) iyo masuuliyiin kale.
Wasiir xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibedda, Axmed Adan Ismaaciil (Keyse) oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa ammaanay Baashe Cawil kuna tilmaamay shakhsi xil-kas ah oo gudan kara xilka loo magacaabay. “Waxa farxad weyn noo ah inaan dalka ku soo dhoweyno safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil, oo runtii aan kalsooni weyn ku qabno inuu yahay nin hawsha loo magacaabay wax weyn ka qaban kara,” ayuu yidhi Axmed-Keyse.
Mr. Baashe Cawil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ka mahad-celiyey soo-dhaweynta loo sameeyey, waxaanu sidoo kale u mahad-celiyey madaxweyne Siilaanyo inuu u magacaabo xilka uu u igmaday.
“Waan ku faraxsanahay inaan dalka ku soo laabto oo weliba wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda Keyse igu soo dhoweeyo, oo hore macalinkayga u ahaan jiray, farxad weyn ayey ii tahay,, keligayga iimuu ahayne rag kalena way jireen uu macalin u ahaa,” ayuu yidhi isagoo intaas ku daray hadalkiisa, “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed maxamuud Siilanyo magacaabista xilka iyo weliba wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo igu booriyey qabashada xilkan.”
Wakiilka cusub ee Imaaraadka Carabta u fadhiyi doona Somaliland, waxa uu sheegay in xilkan loo magacaabay culayskiisa leeyahay, waxase uu ballan-qaaday inuu si daacad-nimo iyo xil-kasnimo ku jirto u gudan doono masuuliyadda uu qaranka u hayo.
“Xil kastoo la magacaabo culayskiisa ayuu leeyahay, xilkan lay magacaabay ee Imaaraadka Carabtuna mid masuuliyaddiisa yeelan doona ayuu noqon doonaa, maadaama dalka Imaaraadku yahay dal aynu xidhiidh soo jireen ah leenahay, hadday noqoto xidhiidhkii ganacsi oo muddo boqolaal sannadood horteed lahayn iyo ka wakhtigan mudadii xukuumadani jirtay culays badan saartay isu-soo-dhowaanshaheena, isla markaana booqashooyin kala duwan oo wefdi Madaxweynaha Somaliland ku tegay, midhaheedii keentay in xafiis Somaliland leedahay laga furo Imaaraadka carabta,” ayuu yidhi Baashe Cawil, isagoo hadalkiisa intaas ku ladhay, “Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu xilkan ii fududeeyo, isla markaana ballanqaadayaa inaan si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gudan doono, muddanaan xilka hayo.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa digreetooyin uu soo saaray dabayaaqada bishii June ku magacaabay Wakiillada Xafiisyo dibloomasiyadeed oo Somaliland ka furanayso dalka Imaaraadka Carabta oo uu Baashe Cawil u magacaabay iyo dalka China oo uu u magaacabay Siyaasi Cabdi Maxamuud Mingiste. Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse), halka wasiir ku-xigenkii wasaaraddaas loo beddelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment